DHAGEYSI XASAASI AH:- Madaxweyne Farmaajo “Ahlu-sunna Waa Cida Badhay Kooxda Al-Shabaab Dhimashada iyo Dhaawaca”

MUQDISHO(P-TIMES)-Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay ku midoobeen Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, isagoo ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiska.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay Munaasabaddii shalay ay Ahlusuna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen heshiiska ayaa ka sheekeeyay heerka uu soo maray dib u heshiisiinta, isagoo xusay inay ka soo bilaabatay maalintii isaga loo caleema saarayay Madaxweynaha.

“Dib u heshiisiintan muddo ayay soo socotay laga soo bilaabo Caleema saarka oo aan casuunay Sheekh Shaakir iyo nidaamkiisa, maalintaas illaa iyo hada ayay soo socotay”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Waxaa uu sheegay in Ahlusuna ay mudan tahay in mar walba loo mahad celiyo, isla markaana ay ahaayeen cidii la dagaashay Al-Shabaab oo dareensiisay inay dhiman karaan oo ay dhaawacmi karaan, iyagoo kula dagaalamay Caqiido sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa sheegay ku ammaanay Madaxweynaha Galmudug tanaasulka uu sameeyay iyo sida uu awooddiisa u qeybiyay.

“Madaxweyne Xaaf isaga kaliya ayaa wax bixiyay, waa ninka awoodiisa qeybiyay ee ma ahan Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, waana qeyb ka mid ah tanaasulka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada maanta la gaaray ay ka soo bilaabatay dib u heshiisiintii Jabuuti ee sanadkii 2009-kii iyo isku darkii labadii baarlamaan ee dowladdii KMG aheyd, ayna maanta ka dhalatay dowlad joogto ah oo shacabka doortaan.

Ugu dambeyn waxaa uu u rajeeyay shacabka Galmudug mustaqbal wanaagsan, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka ay dadaal xooggan ku bixin doonto sidii loo taageeri lahaa maamulkaas.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment