DHAGEYSI XASAASI AH:- Puntland Oo Si Adag Uga Hadashay Qarixii Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Booliska G. Mudug

GAALKACYO(P-TIMES)-Warar Dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, Qarax gaarigiisa loogu xiray Taliyaha Saldhiga Booliska ee dhinaca koonfureen Gen. Cali Ibraahin Cali “Cali Magafe”, kaasi oo ku geeryooday Qaraxaasi.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Ee Dowladda Puntland  Aadan Nuur Qaal oo Saxaafadda kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegay in Ciidamada Booliska Puntland ay wadaan Baaritaano ay ku ogaanayaan Cidda ka dambeysa Qaraxa Gaarigiisa loogu xiray Taliyaha Saldhigga dhinaca Koonfureed ee Magaalada Gaalkacyo.

Taliye Qaal ayaa sheegay in ilaa iyo hada aysan Garaneynin halka looga soo xiray Gaariga qaraxan waxaana uu tilmaamay in ay ku raad joogan, baaritaana ku hayaan Cida ka dambeysa qaraxan ee Taliyaha ugu soo xirtay Gaarigiisa.

Taliye Qaal ayaa Tibaaxay in Maleeshiyaadka Nabad diidka ah ee Al-Shabaab, ay ka Dambeeyeen Qaraxan, isagoo qiray in Kooxdu ay haatan Qorsheynayso Dilal kale oo loo geysto dad Wax ku ool ah.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment