Mudada Carvajal Ka Maqanaanayo Garoomada Oo La Shaaciyay Ka Dib Kaarkii Casaa Ee Uu Ku Qaatay Kulankii El Clasico

Wargeyska AS ayaa shaaca ka qaaday in ururuka kubadda cagta Spain ay go`aansadeen mudada uu Carvajal ganaax ku seegayo kooxdaas Real

Laacibkaas ayaa kaarka cas ku qaatay kulankii El Clasico ee Barcelona ka dib markii uu Barcelona gacantiisa kaga hor isataagay gool

Waxaa haatan uu Real ka maqnaanayaa hal kullan oo horyaalka Spain ah sida wargeyskaas uu soo xiganayo

Hadaba laacibkaas Dani Carvajal ayaa seegaya kulanka soo socda ee Celta Vigo ee horyaalka Spain

Maqnaashaha la filayo ee Dani Carvajal ayaa albaabada u fureysa in shaxda Real looga yeera xiddiga reer Moroco ee Achraf Hakimi kaasi oo ka maqnaa liiskii Real ee kulankii El Clasico

Halkaan Ku Qor Fikirkaada