WAR DEG DEG AH: DF Soomaaliya oo weerar kuqaaday siyaasiin Mucaaradsan.

MUQDISHO(P-TIMES) – Wararka naga soo gaaraya caasumadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaya in ay Ciidamada dawladdu weerar kuqaadeen gurriga mid kamid ah siyaasiinta sidda adag uga soo horjeeda, horeyna u soo noqday Wasiirka qorsheynta iyo xariirka caalamiga ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Wararka ayaa sheegaya in uu dhaawacmay siyaasigan, waxaana ilaa hadda lamaqlayaa rasaas xoogan oo ka shacaysa jidadka caasumadda dalka.

Ciidamadda weerarkan qaaday ayaa lagu sheegay kuwa sidda gaarka ah u tababaran ee dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxayna u muuqataa talaabo kale oo wajigabax ku ah dawladda.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay dawladdu go’aansatay in aysan fiirzan ama aqbalin fikradaha looga soo horjeedo, taas oo ka dhigan arrin welwelkeeda leh.

Xiisad adag oo dhanka amniga iyo siyaasada ah ayay suuragal tahay in ay kiciso howshan ama howlgalkan cusub, xili saacadihii u dambeeyey ay jireen arrimo siyaasadeed oo halis leh.

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada