WAR DEG DEG AH: Kulan dhexmaray Odayaasha Habargidir iyo Madaxda DF Soomaaliya oo fashil ku dhamaaday.

MUQDISHO(P-TIMES) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaan xalay laga seexan ka dib markii Madaxda dawladdu ay amreen duulaan lagu qaaday Siyaasiin ka soo horjeeda siyaasadeeda ee kusugan magaalada Muqdisho, isla markaasna la dhaawacmay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kamid ahaa raggii la tartamay Madaxweyne Farmaajo.

Kulamadii ugu dambeeyey ee dhexmaray odayaal ka socda Beesha Habargidir iyo Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa fashil kusoo dhamaaday, markii ay Odayaasha beeshaas diideen talaabooyin uga yimid Madaxda dawladda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u sheegay Odayaashan in ay dawladdu qaaday talaabadaas, oo ay uga gol leedahay sugida Amniga, laakiin ay ka dhalatay talaabo aan fiicneyn.

Mr, Farmaajo ayaa horey u balan qaaday in aan cidna fikradeeda loo dili doonin, laakiin taas ayaa beenowday bacdamaa hadda la bilaabay ugaarsiga cid kasta oo ka soo horjeeda Siyaasada Madaxtooyada.

Odayaasha ayaa diiday in uu shirkan yimaado Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre, waxayna sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin ay horfariistaan Mr, Kheyre oo kufadhiya awood qeybsigooda.

Ka qeybgalayaasha qaarkood ayaa u sheegay Wariyaha Puntlandtimes ee Muqdisho in ay qaadan doonaan talaabo kasta oo ay uga jawaabayaan ficilka Madaxtooyadu xalay sameysay, kaas oo lagu dilay dad gaaraya 8 qof oo ay ku jiraan dad Shacab ah oo daganaa aaga la weeraray.

FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

 

Leave a Comment