Laamaha Ammaanka Oo Kulan Deg Deg Ah Haatan Ka Leh Weerarkii C/rixmaan C/shakuur

MUQDISHO(P-TIMES)-Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho, ayaa Sheegaya in Saraakiisha laamaha amaanka dowlada Soomaaliya ay kulan xasaasi ah haatan uga socdo Magaalada Muqdisho, iyagoo ka arinsanaya weerarkii ciidamada dowladu xalay saqdii dhexe ku soo xireen C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah siyaasiyiinta sida xoogan u mucaaradsan dowlada Somalia.

Ugu yaraan shan askari oo ka tirsanaa ilaalada C/raxmaan C/shakuur ayaa ku dhintay dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay hoyga siyaasigan oo ku yaalla agagaarka xarunta UNDP ka dib markii ay la dagaalameen ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo doonayey iney soo xiraan siyaasigan.

C/raxmaan C/shakuur ayaa waxaa soo gaaray dhaawac fudud ka dib markii xabadihii la isweysaarsanayey ay garabka bidix kaga dhaceen, waxaana loo dhaadhiciyey xabsiga, illaa hadda dowladu wax war ah kama soo saarin weerarkan.

Kulanka laamaha amaanka dowlada uga socda Muqdisho ayaa la filayaa in saacadaha soo socda laga soo saaro war ku saabsan dhacdadii xalay.

PUNTLAND TIMES

Halkaan Ku Qor Fikirkaada