WAR DEG DEG AH:-Qarax Culus Oo Goor-dhaweyd Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

GAALKACYO.(P-TIMES)-Wararka naga soo gaaratya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug, ayaa soo sheegaya in Qarax uu ka dhacay magaaladaas, kaasi oo si weyn looga maqlay qeybo ka tirsan Magaalada.

Wararka ayaa Sheegaya in qaraxani uu ahaa nooca baawuurta lagu xiro, iyadoona loogu xiray Gaariga Sarkaal ka tirsan Ciidamada booliska Gobalka Mudug ee puntland.

Sarkaalka loogu xiray Qaraxa gaarigiisa oo Magaciisa lagu soo gaabiyay Cali Magafe, ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray Qaraxan, iyadoona la geeyay mid ka mid ah Isbitaalada waa weyn ee Gaalkacyo.

Ciidamada Ammaanka oo goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray, ayaa baaritaano ka wada aaga.

WIXII KA SOO KORDHA LA SOCO INSHA ALLAH.

PUNTLAND TIMES.

Comments

comments

Post Comment