WAR DEG DEG AH+SAWIRRO:- Xaflad Lagu Saxiixayo Heshiiskii Galmudug Iyo Ahlu-sunna Oo Villa Soomaaliya Ka Socota

MUQDISHO(P-TIMES)-Waxaa hada Hoolka shirarka ee Madaxtooyada Villa Soomaaliya ka socda Munaasabad lagu saxiixayo Dhameystirka Heshiiska Ahlsuna iyo Galmudug.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Wasiirka Arrimaha Dibadda Yuusuf Garaad, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geell3 Xaaf iyo Hoggaamiyaha Ahlusuna Sheekh Shaakir ayaa la filayaa in goor dhow ay heshiiska qalinka ku duugaan.

Qodobada Heshiiska ay gaareen labada dhinac ayaa la filayaa in laga akhriyo munaasabada saxiixa heshiiska.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii labada dhinac ay heshiis horudhac ku saxiixeen Jabuuti oo wada hadal ugu socday, kaasoo ay garwadeen ka aheyd IGAD.

SAWIRRO.

PUNTLAND TIMES

Comments

comments

Post Comment