Xildibaan Abdiwelli Qanyare ” Dowladinamaddii God Ayay Ku Dhacday Waxaana Laga Shaqeynayaa In Nin Waliba Qorigiisa Isku Aaaminno ,Maxay Siyaasiinta Ku Soo Qoreen Twitter-kooda?

Siyaasiin kala duwan ayaa ka hadlay weerarkii xalay lagu qaaday guriga siyaasi C/raxmaan C/Shakuur

Hadaba Puntlandtimes ayaa soo qaadatay hadaladidi ugu adkaa ee siyaasiinta kala ah Abdiwelli Qanyare iyo Abdulkadir Osoble Al‏ soo dhigeen bartooda Internet-ka
Qoraaladdii Abdiwelli Qanyare ”

Waxaa dowladnimadii caawa lagu riday ceelkii walwaaleed, waxaana kuwa wax magarata ah ay ka shaqeeyeen in dalkaan dadku ay aaminaan qorigooda.

Waxaa si qaldan loo isticmaalay ciidankii nabadsugidda in lagu weeraro guryaha siyaasiyiinta. Shame on you

*Waxaan si kala har lahayn u cambaareeynayaa weerarka lagu qaaday siyaasigga gurigiisa oo horayna u ahaa Musharax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan cabdishakuur iyo dadkii lagu laayey gurigiisa. Waa nasiib daro ku timid dowladnimada*

Inta hurdo laga soo kaco isla markaasna la riyoodo eedeeyn siyaasadeed loogama dhigi karo Xildhibaanada iyo xasaanadda ay ximbaarsan yihiin.
Qiyaano qaran wey jirtaa oo kuwa galay aan ognahay waxaana wax looga qabanayaa golayaasha sharcigga ah.

Abdulkadir Osoble Al‏ “In qof siyasad kugu khilafsan loo adegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta qaranka.

*Waxan aminsan nahay in somaliya ay ka gudubtay waqtigi ku tagri falka awoda iyo cidanka qaranka.arinta cawa ka dhacday muqdishu waa arin khatar ku ah dowladnimada iyo xasilonida dalkawaxay u bahantahay in laga hortago si anan u burburin wixi yar ee an garnay sanadihi la so dhafay

 

Leave a Comment