DAAWASHO XASAASI AH: M/weyne Farmaajo oo si xasaasi ah uga hadlay Amniga, Horumarka, faderaalka, Dibu dhiska kaabayaasha dhaqaalaha & qorshayaasha.

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  ka hadlayay magaalada Boosaaso, ayaa si adag uga hadlay arrimaha ku saabsan Nidaamka 4.5 dareenka ay ka qabaan Shacabka Puntland, Dhismaha Wadooyinka iyo horumarka socda iyo Nidaamka Faderaalisimka oo aad u weydiinayaan dadka Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ay wax badan ka qaban doonaan sidii aan markale loogu laaban laheyn nidaamka qabyaaadeed ee 4.5, wuxuuna qiray in dawladdihii hore ay wax badan soo qabteen ayna halkaas kasii wadayaan.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ee uu arkay uu wax badan ka qaban doono, isla markaasna ay mashaariicda dalku noqon doonaan kuwa lagu qeybiyo hadba sidda loo kala baahi badan yahay.

Madaxweynuhu wuxuu cadeeyey in ay ka go’an tahay hirgalinta iyo taabagalka nidaamka Faderaalisimka oo uu yahay wixii lagu doortay, balse aysan marnaba ka shaqeynin in nidaamkaas meesha laga saaro.

Faderaalka loo baahan yahay oo ay shacabku doonayaan ayuu sheegay in uu yahay mid kor loogu qaadayo Soomaaliya, laguna dhisayo dawlad Faderaal ah oo leh awoodaheeda, laguna dagaalamayo dawlad la’aanta.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo tilmaamay in horumarka ay maanta gaartay Puntland uu yahay ay maamulkan gaareen, iyagoo aan cidna gacan ka geysan, gaar ahaana dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, la dagaalanka Al- Shabaabna wuu ku amaanay.

Maalgashiga ayuu cadeeyey in ay u raadin doonaan fursado waa weyn oo ay keeni donan, wuxuuna tilmaamay in ay xooga saari doonan sidii Caalamka looga dhaadhicin lahaa fursadahaas in ay maalgashadaan bacdamaa Amni wanaagsan uu ka jirro gudaha dalka, gaar ahaana Puntland.

Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku amaanay Shacabka Puntland hanaanka isku tashiga Shacabka Puntland, kaas oo ay ka shaqeeyeen Madaxweynaha iyo Shacabkiisa dawladda Puntland.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Comments

comments

Post Comment