DAAWO SAWIRRO: Gaalkacyo wey hadashay, Fariin-na wey u dirtay M/weyne Farmaajo, Maxayse tahay?

GAALKACYO(P-TIMES)- Kumanaan qof oo Shacabka magaalada Gaalkacyo ee bartamaha Soomaaliya ah ayaa iskugu soo baxay subaxnimadii hore ee saaka jidadka muhiimka ah ee magaaladaas, si ay u muujinayaan taageerada ay u hayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland oo aan wali kasoo dhoofin magaalada Boosaaso, ayey Shacabku u taagan yihiin qoraxda oo aad u kulul.

Shacabka ayaan dareemeyn dhibaatada ama kuleylka qoraxeed ee kataagan magaalada Gaalkacyo, waxayna kaga qanacsan yihiin in ay arkaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Fariin adag ayay dirtay Gaalkacyo, gaar ahaana dhanka Waqooyiga oo ay ka socoto qaban-qaabada ugu weyn, waxaana muuqata in ay tanni tahay guul wanaagsan oo ay gaartay magaaladaas.

In si wadajir ah bulshada magaaladu u soo dhaweyso Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda la socotaa, waxay farin u tahay Madaxda dawladda Faderaalka oo looga fadhiyo in ay wadiiqo wanaagsan ka gaaraan nabadda gobalka Mudug.

XAQUUQDA SAWIRADDA: WARIYE SICIID NADAARA

Halkaan Ku Qor Fikirkaada