DAAWO SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweyn la yaab leh kala kulmay Shacabka Gaalkacyo oo aan kala harin & Hadiyado la gudoonsiiyey

GAALKACYO(P-TIMES) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo oo ay sugayeen Shacabka labada dhinac oo mideysan, si weyn ayay iskugu yimaadeen gudaha magaaladaas, iyadoo boqolaal dadweyne ah ay Kolonyadii Madaxweynaha u diideen in ay safarto, taas oo ku qasabtay in Madaxweynuhu dhexgalo Shacabka.

Madaxweynayaasha labada maamul ee Puntland & Galmudug ayaa si wadajir ah u soo dhaweeyey Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna labaduba kusugnaayeen madaarka magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la gudoonsiiyey Miraha Yicibta iyo geedka loo yaqaano Hobobta oo labadaba uu caan ku yahay gobalka Mudug, sidaas oo kale furaha nabadda ayay booqashadan u tahay gobalkas.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ku hoyana waqooyiga magaalada Gaalkacyo, gaar ahaana Madaxtooyada KMG ah, halkaas oo uu kula kulmayo qeybaha bulshada ee gobalka oo ay ka wada hadlayaan nabadda iyo daganaanshaha shacabka labada dhinac.

HOOS KA DAAWO SAWIRO HORDHAC AH

Halkaan Ku Qor Fikirkaada