DEG DEG: M/weynaha Somalia oo kusii jeeda berri Gaalkacyo & Ammaanka oo la adkeeyey

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo gaba-gabeynaya safarkiisa dhinaca lugta ah ee gobalada Puntland, wuxuuna berrito kusoo afjaryaaa booqashooyin uu ku tagayo qeybaha magaaladaas, gaar ahaana goobaha ay ka mid yihiin Kaabayaasha dhaqaalaha ee ay hirgalisay dawadda Puntland.

Madaxweynaha ayaa duulimaadyo diyaaradeed kaga safri doona magaalada Boosaaso, wuxuuna kuwajahan yahay magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uga sii gudbi doono deegaanada Galmudug.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa la adkeeyey, waxaana dhinaca Galmudug sidaas oo kale ayaa looga diyaar-garoobay, bacdamaa in uu Madaxweynaha Soomaaliya uu u gudbi doono dhinaca Xaafada Koonfureed.

Shir weyne looga hadlayo nabadgalyada iyo sidii ay u ilaalsan lahaayeen wada noolanshaha Shacabka gobalka Mudug ayaa ka furmi doona, kaas oo ay qeyb ka yihiin dhinacyada oo dhan.

Lama garanayo in Madaxweynaha Puntland safarkan uu ku wehlin doono Madaxweynaha Soomaaliya, balse warar hordhac ah ayaa sheegay in Madaxweynaha Galmudug uu soo gaarayo maanta galinka dambe magaalada Gaalkacyo.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada