FAALADA JIMCAHA: M/weyne Farmaajo muxuu ku arkay Socdaalkii ugu dheeraa ee uu kusafro dhulka, kuna tagay gobalo kala duwan?

BOOSAASO(P-TIMES)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayay todobaadkan u ahayd mid kamid ah waqtiyadii ugu mashquulka badnaa, laakiin wuu ka duwanaa mashquulka yaala Villa Soomaaliya, wuxuuna safar dheer uga bilowday 7—dii bishan magaalada Garoowe oo laga xukumo gobalada Puntland.

Shacabka Puntland oo ay hogaaminayaan Madaxda maamulkaas ayaan u kala harin soo dhaweynta wafdigan Madaxweyne Farmaajo, taas oo xasuusay Madaxda DF Soomaaliya maalmaha wacan ee ay naawilayso Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu dhex-galay Shacabka Garoowe oo uu kula hadlay barxada Caanka ay ku tahay, wuxuuna u sheegay in Soomaaliya ay u socoto wadiiqo wanaagsan oo ay tahay in garab laga siiyo.

Sidaas oo kale Madaxweynuhu wuxuu Garoowe kaga qeybgalay madaarka caalami ah oo ay yeelatay caasumadan, waana garoonkii 2aad oo si caalami ah loo dhisay lagana hirgaliyey gudaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayay u bilaabatay 2 maalin ka hor socdaal dheer oo uu ku maray 480KM in ka badan oo uu saarnaa gaadiidka madaxda, wuxuuna la kulmayey soo dhaweyn uusan marnaba suureysan.

Madaxweynaha Puntland oo socdaalkan ku wehliya Madaxweynaha dawladda Faderaalka ayaa u sheegay in Puntland ay nabad tahay si dhameystirana Shacabka iyo dawladdu uga shaqeeyaan ladagaalanka Argagixisada, ayna gacan ku wadaan iskutashiga horumarineed.

Boosaaso waa cirifka ugu dambeeya ee Soomaaliya, Madaxweynaha ayay u tahay maalinta koowaad ee booqashadiisa, wuxuuna xariga ka jarayaa mashaariic iyo goobo Ganacsi oo laga hirgaliyey, kuwaas oo muhiim u ah kor u qaadida Kaabayaasha dhaqaalaha ee dalka Soomaaliya.

Dadka falanqeeya arrimaha Siyaasada ayaa rumeysan in socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay gobalada Puntland uu muujiyey taageerada Madaxweynuhu ku leeyahay gobaladaas, sidaas oo kalena ay tahay is muujin siyaasadeed oo jawaab u ah mucaaradida xoogan ee uga furan magaalada Muqdisho.

Kulamada hoose ee ay leeyihiin Madaxda dhinacyada ayaa aad looga wada hadlay, Arrimaha Mashaariicda in la taageero lana helo taageerada dawladda Faderaalka, Siyaasada kusaleysan nidaamka 2020-ka ee doorashada soo socota iyo Siyaasada qalafsan ee kataagan magaalada Muqdisho, sidii xal loogu heli lahaa.

Inkastoo socdaalka Madaxweynuhu ku e’eg yahay magaalada Boosaaso uuna diyaarad uga safrayo magaaladaas, isagoo ka dagaya magaalada Gaalkacyo, haddana waa mid kamid ah maalmihii ugu wacnaa ee uu safari ku tago gobalo Soomaaliyeed oo uu si xor ah ugu dhex safray, taas oo ah talaabo horey loo gaaray.

Leave a Comment