FIKRADA AKHRISTAHA: Kenya Abaalkaan u haynay kuma filnaan!…

Filed under: Faallooyin,Maqaalka Aqristayaasha |

Kenya : Abaalkaan u haynay kuma filnaan!…

W/QORAY: Axmed-Yaasiin  Max’ed  Sooyaan

Bini aadanka nicmmada ma xajin karo!…waa oraah munaasabada badan loo adeegsado oo aad arkayso iyadoo nolosheenna ku soo noqnoqonaysa, waa oraah ku tusaysa sida qofka bini aadamka ah uusan horay ugu garan nicmmada  Alle ku manaystay, nabadda, ammaanka, caafimaadka, sharafta…adigu xisaab, siduu Eebbeheen sheegayba  sooma koobi  karaysid!….Marka dowladda Kenya waxay garan la’dahay ama ay ilowsantahay baraaraha ay ku qabtao Soomaaliya oo ay derisnimo wanaagasan kula noolaato, maxaa yeelay  waa marka hore dadka Soomaaliyedd wax cadaawad ah uma qabaan Kenya, waxayna u hayaan abaal weyn oo runtii bog quruxsan kaga qoran  taariikhda Soomaaliya, gaarahaan marka ay timaado sida ya u soo dhoweeyeen dadka Soomaaliyeed xilligii coladaha ay car-carta lahaayeen iyo kaalintii ay ka soo qaadatay sidii qaadatay sidii Soomaaliya loo nabadeyn lahaa!….waxaana hubaal ah in dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay abaalkaas maanka ku hayaan kuna tix geliyaan qof kasta oo Kenyaan ah.

Waxaa kaloo arrin muhimaddeda leh ah, in dadka Soomaaliyeed ay niyad sami faro badan u hayaan shacabka Kenya oo ay ku barteen inay yihiin dad dhaqan wanaagsan oo il-bax ah isla markaasna  ah dad ay wadaagi karaan waxyaabo badan marka y timaado xiriir dhex mara labada dal. Waxay dadka Soomaaliyeed ka gudbeen fikraddii hore ee ahayd in labada dal ay col isu yihiin, waxayna intooda badan hadda dareensanyihiin wax kasta oo labada dal ka dhexeya ay iyaga oo aan cid kale soo dhex gelin dhamaysan karaan, waxayna qabaan in xayndaabkii weynaa ee guumeystuhu labada shacab kala dhex dhigay uu dumay loona baahnyahay in taas la wada garto!…waxaana tusaale cad inoogu filan ilaa 1991kii intii ay Soomaaliya dhibaatada ka dhacday waxaa jiray is dhex gal muuqda oo labada shacab waxay yeesheen xiriir dhan kasta ah, kaasoo ay labada dhanba mahdiyeen, siiba dhanka ganacsiga oo waliba la oran karo dowladda Kenya unbaa macaash ku qabta, waxaana xusid mudan in wixii ka dambeeyay 1996kii markii ay wadamada reer Yurub ka goosteen  mucaawinnadii dhaqaale  ee ay siin jireen dowladda Kenya Bankiga dhexe ee dalkaas 30%  lacagta uu ku shaqayniyo waxay ka imaanaysay xawaaladaha Soomaaliyeed ku yaala magaallada Nairobi, sida uu wagaas xaqiijiyay maamulka  bankigaas, waxaana shaki la’aan ah in dhaqaalaha  Kenya ka soo gala mehradaha  iyo guud ahaan Soomaaliya ay intaas aad uga badanyihiin iyadoo aysan jirin wax dib ugu soo noqda Soomaaliya oo ay run ahaantii ku bedelato taas..

Waxaa hubaal ah inaysan labada dal maanta u baahnayn colaad iyo nabad gelyo daro  dhexdooda ka bilaabata ama ka dhex dhacda, mar haddii la soo gaaray heer aan labada ummadood look ala turjumayn oo ay hadda soo gaareen heer ay wax badan iska fahmeen, isla markaasna ay arkeen ama xaqiiqsadeen inaysan u baahnayn in look ala turjumo…. waxaa arrintaas cadayn buuxda u ah isu socodka labada shacab iyo xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya iaydoo uusan xiriirka labada dowladood run ahaantii heerkaas gaarsiisanayn.  Soomaaliya waxaa jooga si qaynuun ah ama qaynuun daro ah dad badan oo Kenyaan ah siiba gobollada Puntlan iyo Somaliland oo u badan xirfadlayaal ah oo ku shaqaysta xirfadahooda, dhinaca kalana wali Kenya wxaa buuxa oo si nabad gelyo ah ku jooga dad u badan qaxootigii Soomaaliyeed, iyo ganacsato badan oo ku haysta mehrado kala duwan….Waxaas oo dhan kuma imaan xiriir siyaasadeed oo ay ka shaqeeyeen laba dowladood, ee, wuxuu ku abuurmay kalsooni muuqatay oo dhex martay labada shacab, kaasoo ka dhashay is-barashadii iyo xiriirkii wanaagsanaa ee dadkii Soomaaliyeed eek u soo qaxay Kenya  ay la yeesheen guud ahaan shacabka  reer Kenya, waxayna taas meesha ka saaraty cuqdaaddii gaamurtay ee guumeystuhu kala dhex dhigay labada shacab, waxayna labada dhinac dareemeen dheefta derisnimo wanaagga….Allow yaa garta nicmmadaas!….

Mid iyadu shaki iigama jiro, waxaan shaki iiga jirin in Kenya xaqiiqda ay ogtahay  oo ah inay dadka Soomaaliyeed yihiin deris wanaagsan, deris ay wax badan ka dheefeen! Hasa yeeshee sida hadda muuqata  waxay ku socotaa inay inkirto wanaag kasta oo ay ka heleen dadka Soomaaliyeed, waxyna isu ekeysiinaysaa dal ay Soomaaliya duulaan ku tahay! Oo sabatu maxay tahay?! Wax kale ma ah wax aan u dhinayna ma jiraan, laakiin waxaa wax kasta oo wanaag ah oo aan leennahay kala weyn talada dadkii waagii horaba cadaawadda u abuuray labada dal, waana talada ay maanta ku socoto, waa talada ay markii horaba ciidmmada Soomaaliya ku keentay, waa talada ay iyadoo og inaysan sharci ahayn ay wali ugu doodayso Waziir baa ii saxiixay badda, waa  talada ay maanta doonayso biyaha Soomaaliyeed ee ay sheeganayso inay xudduud beenaad hor  leh  ku  xareysato biyaha iyadoo derbi marmarsiinyadiisu ammaan tahay lagu calaamadaynayo!….waxaan la yaabanahay Kenya nacaybka iyo colaadda ay bilaabayso  iyadoo dan kasta oo ay Soomaaliya ka leedahay ku gaari karta nabad, derisnimo wanaag, iyo saaxiibtinimo!!…. Kenya!….Talada socota  waa talo aan ciribteeda lagu rayn-rayn doonin, waa talo ka timid nin aan labada shacab ka naxayn!….Xudduud beeneedkii hore sida dunida badankeedba ka jirta waxaa xariiqay guumeystihii Ingiriiska….. Derbi la dhisay  xudduudii Soomaaliya waxba kama bedelayo, keliya wuxuu kordhinayaa oo  colaaddii iyo nacaybka labada dal, wuxuu damqayaa doogtii sii dawoobaysay, wuxuuna soo dedejin doonaa waxaan labada shacab midna dan u ahayn!…

Marka la fiiriyo dhaqanka dowladihii burburka ka dib dalka soo maray waxaad la dareemayaa  oo dhammaantood ay ka sinnaayeen inaysan xad gudubyada dalalka shisheeyaha ah ku hayaan Soomaaliya aysan ka hadlin, siiba dalalka deriska ah, arrintaas ayaa waxaa sabab u ah dhowr  waxyaabood  oo ay ugu horeyso  kalsooni  daro  u dhexeysa  siyaasiyiinta oo ay abuureen waxa loogu yeero Beesha Caalamka! Inta badan intii uu burburka jira siyaasiyiinta dalka hoggaaminaysay waxay wateen waraaqo dhalasho dalal kale, waana arrin saamayn weyn ku leh xubno badan oo golayaasha dowladda ku jira kuna qasabtay inay aamusaan iyagoo ilaashanaya jinsiyadda dalalka kale ay ka haystaan…. Taasina waxay keentay inay in danihii dalka lagu bedesho waraaqahaas…. Waxaadna ka garan kartaa boqolaal markab baa xeebaheena  iska jariifaya, yaa ka hadla?.. xudduudaha cid kasta oo dalalka deriska ah baa iska soo gasha yaa ka hadla? Hadda dal-balaarsiga Kenya  waxaa markii u horeysay ka soo qayliyay Gen. Cabdullaahi SHiikh Ismaaciil (Far-Taag), waxaana uu qaylo-dhaanta uu keenay uu ku sheegay in guryo Soomaalioyeed oo faro badan ay ka wareegeen  deeggaannadii Soomaaliyeed, laakiin wali wax ka hoos qaaday lama hayo, waxaana jira warar sheegay in arrintan ay ka mid tahay sababaha ugu muhiimsan ee Cabdi Faarax Juxa, waziirkii hore ee arrimaha gudaha uu xilkiisii ku waayay  isagoo isku dayay inuu baaritaan ku sameeyo qayla dhaanta uu keenay Far-taag! Yaa kaloo ka hadlay?!

Max’ed Cusmaan Jawaari, oo af-hayeenka golaha shacabka ah 6sano oo taxan, muddada intaas la eg ee uu  af-hayeenka  dalka u yahay, sida laga war qabo wuxuu mar kasta ka war-wareegaa  in xil-dhibaannada ay ka hadlaan arrimaha khuseeya  xad-gudubyada ay shisheeyaha ah ay ku hayaan Soomaaliya…Jawaari ayaa dhaqan ahaan intuu xilkaas hayay wuxuu ku mashquulay mooshin laga keenay ra’iisal wazaare,  arrimaha Dastuurka federaalka, iyo maamul-goboleeddada, iyo inuu la shaqeeyo golaha fulinta (siiba madax-weynaha) waxayna u ololeeyeen isaga iyo Cabdi-Rashiid Xiddig  in jinsiyadda Soomaaliyeed la siiyo dadka shisheeyaha ah isagoo ku shaqayniya  siyaasad ay u soo dhiibeen dalal shisheeye ah!….hasa ahaatee 6daas sano mar keliya lama arag isagoo ka hadlaya khatarta iyo xad gudubyada dowladaha shisheeyaha ah ay ku hayaan dalka, waxaana xusid mudan; dalalka jarriifaya xeebaha Soomaaliya, shisheeyaha ciidammada  ay ka qoranayaan dhallin-yarada, boobka lagu hayo dekedaha dalka iyo gigooyinka diyaaradaha iyo beeredka!

Marka  xil-dhibaano kale mooshin ka keenaan wuu hor istaagayay! Sida aad ka arki doontid ama ka garan kartida warqadda sawirkeeda hoos ka muuqdo: waa waraaq uu Jawaari u diray madax-weyne Farmaajo iyo ra’iisal wazaare KHeyre si ay talo uga soo dhiibtaan mowqifkooda ku aaddan heshiiska  Midoowga Immaaradaha Carabta iyo Soomaaliland ay ku galeen dekedda iyo Sal-DHigga Berbera!….Bal  adigu ka waran arrin mooshin xil-dhibaano ka keeneen oo golihii shacabka hor taal sidee dib loogu celin karaa golaha fulinta?! Wax is daba marintaas inta ay la egtahay!….maxaa yeelay arrinta mark a ay xil-dhibaannadu mooshinka ka keenayaan waa marka ay arrintaas gabatay hay’adda fulinta!….Jawaari, wax kasta waa dumiyay si ula kac ah, wuxuuna ugu dhaqmaa xafiiska si aad moodayso xafiis uu isaga gaar u leeyahay, waxaan xasuusnahain uu hadda ka hor sidaas oo kale ugu gabood falay mooshin ay xil-dhibaannadu ka keenee Xasan SHiikh Max’ud, madax-weynihii hore markaasoo intuu mooshinkii  hor joogsaday ku andacooday inuu isaga labadii dhinac dhexdhexaadiyay!…Yaa Salaam! Wax kasta ayuu ku hadlaa , waxaana la moodaa inuu hubsaday xil-dhibaanada kale inaysan fahmayn qaynuunka!….Hadda aaway mooshinkii ka dhanka ahaa arrimaha ay Midowga Immaaradaha Carabta ka wadeen Berbera? Muxuu ku dambeeyay?!…warwareejintaas.

Kenya, warkeeda waa cadyahay, ujeeddada u weyn ee ay derbiga u dhisaysana waa wax aan qarsoonayn  oo la wada garanayo, mana aha arrin ammaan ee waa dal balaarsi cad oo shacab-weynaha deggan gobllada xudduuda dalkaas durba waxa ay ka soo cawdeen in hantidoodii , iyo guryahoodii dowladda Kenya goosatay oo xudduuda gelisay iyadoo si baahsan ugu fidaysa gudaha Soomaaliya!..Maxaa loo aamusanayahay?! …xataa maxaa goob joogayaal ka socda dowladda federal-ka ah ay u tagi waayeen?!….maxaase looga jawaabi waayay cabashada dad-weynaha Soomaaliyeed?! DHulka la boobayo miyuusan ahayn dalkii difaaciisa dhaarta loo maray?!….Maxaa aamusiyay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe)? ….marar badan wuxuu u muuqday inuusan xaqiiqda ka leexan…miyuusan la socon waxa xadduuddiisa ka socda mise dan buusan ka lahayn?! ….

Dowladda Norway, waxaa shaki la’aan ah inay si buuxdo  oo talo iyo ficil ahba ugu dhex jirto arrimaha ay Kenya ka wado xudduudaha biyaha iyo berriga Soomaaliya, dhinaca kalana ilaa iyo hadda inta la ogyahay dowlad ahaan waa dowladda ugu cadcad dhibaatada ay ku hayso bulshada Soomaaliyeed ee dalkeeda  maganta u tagtay, marka la garab dhigo dalalka kale ee dunida ee Soomaalidu magan gelyada u gashay intii uu dalkooda burburay, waxaan dabeecadaha siyaasadda Norway eek u wajahan Soomaaliya  loo qaadan kara mid aan ujeeddo wanaagsan ka dambayn!…..Kenya xuddudahayaga inay ku soo xad gudubto macnaheedu waxaa weeye colaad cusub oo labada dal u bilaabanaysa, waxayna labada mujtamac ee Soomaalida iyo Kenyaanka dib ugu celinaysaa siyaasad xiiso colaadeed oo degdeg ah gobolka u horseedda!….Dadka Soomaaliyeed, daandaansi iyo dulmi dhaqan ahaan waligood ma qaadan, hadana ma cid ay ka yeeliyaan ma jirto…… Kenya iyo Norway, waxay ku fiicnaan lahayd inay ixtiraamaan Qaranimmada dalka iyo ummadda Soomaaliyeed, isla markaasna ay joojiyaan baaritaannada ay ka wadaan biyaha iyo berriga Soomaaliyeed dantuna taasay ku jirtaa!….waase yaabee aamusnaanta golayaasha dowladda eek u aaddan dhaqdhaqaaqyada xuddadaha dalka ay ka wadaan dalalka shisheeyaha  maxaa loo qaadan karaa?!

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.