IS BAR-BARDHIG: Baarlamaanka & Guurtida ee Somaliland oo leh kulamo aan caadi aheyn oo kusaabsan Tukaraq & Baarlamaanka PL oo aan dareensaneyn

GAROOWE(P-TIMES) – Todobaadkii ugu dambeeyey xiisad cusub oo u dhaxeysa Puntland & Somaliland ayaa kasoo cusboonaatay deegaano aad ugu dhaw caasumada Puntland ee Garoowe, taas oo ka dambeysay markii ay Somaliland soo qaaday weerar hubeysan xili lagu mashquulsanaa soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya oo socdaal kumaraya gobalada Puntland.

Dhaqdhaqaaqyadaas ayaa dhaliyey xiisad colaadeed oo si dhameystiran hadda uga taagan deegaanka Tukaraq, waxaana labada dhinacba ay hadda u diyaar garoobayaan dagaal toos ah.

Baarlamaanka Somaliland ayaa si deg deg ah iskugu yimid, waxaana gudoomiyaha golahaas oo ka soo jeeda gobalka Sool uu sheegay in weerarka lagu soo qaaday ayna si adag u garab taagan yihiin Xukuumadooda.

Mr, Baashi wuxuu sheegay in ay magacaabeen guddiyo kala duwan oo ka shaqeynaya difaaca iyo taakuleynta ciidamadooad, taas oo ka dhigan in shaqadooda ay qabsanayaan.

Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa iyana maanta cadeyey in ay qeyb ka yihiin difaaca dalkooda, ayna sheegeen in lagu soo duulay.

Baarlamaanka Puntland ayaa iskadaa in ay fadhi deg deg ah yeeshaan oo ay taageeraan Xukuumadee, ilaa hadda ma jirto xataa Xildhibaan ka hadlay duulaanka lagu soo qaaday deegaanada Puntland.

Xildhibaanada ugu badan ee baarlamaanka Puntland ayaa laga soo doortaa gobalka lagu dagaalamayo ee Sool, kaliyana magaalada Tukaraq ee ay la wareegtay Somaliland ayaa ahayd meesha qura ee ay tagi kareen, haddana uma muuqato waxyaabaha ka dhalan doona sii haysashadeeda Somaliland.

Baarlamaanka Puntland ayaa u muuqda MOOGAYAAL aan la soconin waxa ka dhacaya Hareerahooda, kaliyana marka uu jiro kalfadhigooda kusoo qaada doodaha la xariira soo celinta magaalada Laascaanood, taas oo marar badan noqotay doodo aan waxba ka soconin.

Shacabka Puntland ayaa Ilgaar ah ku eegaya arrimaha ka socda magaalada Tukaraq iyo sidda ay uga aamusan yihiin baarlamaanka Puntland oo ah codka Shacabka Puntland loona baahnaa maanta oo kale in ay garab siiyaan dawladda iyo ciidamadeeda DIfaaca.

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “IS BAR-BARDHIG: Baarlamaanka & Guurtida ee Somaliland oo leh kulamo aan caadi aheyn oo kusaabsan Tukaraq & Baarlamaanka PL oo aan dareensaneyn

Halkaan Ku Qor Fikirkaada