Madaxweyne Farmaajo oo dhagax-dhigay Wado Laami ah oo isku xiraysa Eyl & Garoowe, sheegayna…

GAROOWE(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu maanta u bilowday socdaal dheer oo dhinaca lugta ah ayaa dhagax-dhigay wado Laami ah oo isku xiraysa Eyl & Garoowe taas oo masaafo ahaan gaaraysa 200KM in ka badan, ayna dhiseyso dawladda Puntland.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay wadadan cusub, wuxuuna kusifeeyey guulaha wanaagsan ee ay gaartay Puntland, isagoo amaan u jeediyey Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Isbedelada iyo daganaanshaha siyaasadeed ee deegaanada Puntland uu taabagal ka dhigay in maanta loo jiheysto wadiiqada horumarka oo dib loo dhiso dalka.

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay madasha ayaa sheegay in ficilada dibu dhiska dalka ay u baahan yihiin in si wadajir ah looga wada shaqeeyo, wuxuuna sheegay in ay wali Puntland eegayso dhinaca Deeqaha iyo mashaariicda lagu helayo magaca Ummadda Soomaaliyeed oo aan u muuqan sidii loogu talo-galay.

Wadadan oo ah mid aad u dheer muhiimad weyn-na ugu fadhida dadka Soomaaliyeed, waxaa dhiseysa dawladda Puntland oo ka heshay Mashruucan Shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo lagu magacaabo CCECC, horeyna u dhistay Madaarka caalamiga ah ee magaalada Boosaaso.

Dhaqaalaha ku baxaya wadadan waxaa bixinaya Dawladda Puntland oo kaashanaysa shirkada gacanta ku haysa ee CCECC, sidda laga soo dheehday dawladda Puntland.

Sidda qorshuhu yahay Madaxweynaha Soomaaliya ayaa caawa ku hoyana magaalada Qardho, isagoo ka dib berri u safri doona magaalada Boosaaso, waana safarkii ugu dheeraa oo uu Madaxweynaha Soomaaliya ku marayo qeybo kamid ah gobalada dalka.

 

Leave a Comment