UPDATE+XOG: M/weyne Farmaajo oo ku sii jeeda Boosaaso & Markii ugu horeysay oo uu wadadaas kusafrayo, Ammaanka oo la adkeeyey

QARDHO(P-TIMES) – Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku sii jeeda saacadaha nagu soo aadan magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland.

SI weyn ayay u sugayaan Shacabka Boosaaso booqashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxayna muujin doonaan jaceylka ay u qabaan in ay arkaan Madaxweynaha dalka oo booqasho kugu yimaado.

Kumanaan shacab ah ayaa taagan hareeraha wadooyinka magaalada meel u jirta 20KM, waxayna doonayaan in ay arkaan Madaxweynahooda oo ay u hayaan taageero balaaran.

Ammaanka ayaa la adkeeyey, waxaana la xiray inta badan jidadka magaalada iyo goob kasta oo cabsi laga qabi karro in ay ka dhacaan falal amaan darro, iyadoo ciidamadii ugu badnaa la geeyey magaalada Boosaaso.

Mid kamid ah kolonyo gaadiid dagaal ah oo ku sii jeeday Bosaaso, sugida Amniga Madaxweynahana qeyb ka ahaa ayaa shil-galay kaas oo keenay dhaawacyo badan oo soo gaaray Askartii saarnaa.

Waa safarkii ugu dheeraa ee Madaxweynaha Soomaaliya uu kutagayo dhulkii ugu balaarnaa ee gudaha dalka, waxaana masaafo dhan 480KM uu ku marayaa socdaal dhinaca dhulka ah, iyadoo ay u tahay fariin ah in ay Puntland nabad iyo horumar gaartay, loona baahan yahay in gacan laga siiyo dibu dhiska dalka Soomaaliyeed.

Comments

comments

Post Comment