WAR DEG DEG AH: Dad xoolo dhaqato ah oo laga Afduubtay Buuraleyda Caalmadow & Ciidamada oo heegan ku jira.

GALGALA(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xogaha sheegaya in ay kooxda Argagixisada ee AL- Shabaab kuna dhuumaaleysanaya buuraleyda Galgala ay hadda bilaabeen in ay beegsadaan dadka Shacabka ah ee xoola dhaqatada ah oo ka soo horjeestay ficiladooda guracan ee kasoo horjeeda Diinta Islaamka.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa hadda aan nolol iyo geeri lagu heynin 7 qof oo ah reer guuraa, kuwaas oo la rumeysan yaahay in ay gacanta ugu jiraan kooxda Al- Shabaab, ayna doonayaan in ay gorgortan kula galaan dadka deegaanka.

Odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda deegaanadan Buuraha Caalmadow, gaar ahaana Beesha Warsangali ayaa si adag uga hor yimid talaabada Al- Shabaab, waxayna ku dhawaaqeen in ay dagaal toos ah la gali doonaan.

Odayaashu waxay sheegeen in aysan u muuqan sabab gorgortan iyo wada hadal loola galo kooxahan Argagixiso, bacdamaa ay doonayaan in ay ka soo horjeestaan nolosha Ummadda Soomaaliyeed.

Ciidamada Puntland ayaa maalmihii ugu dambeeyey kordhiyey duqeymaha iyo dabagalka ay ku hayaan xogaha ay ka helayaan kooxahan, waxaana la beegsaday Saldhigyadooda ugu waa weyn, iyadoo laga helayo xogaha ay bixinayaan Shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel.

Afduubkan cusub ayaa soo dadajinaya in kooxahan si fudud looga saaro buuraleyda Caalmadow, bacdamaa ay horey ugu dhuuman jireen Shacabka oo ay Hanjabaado u gudbinayeen, laakiin diidmada Odayaasha ee la xaajoodkooda ayaa dhabaha u xaaraysa dagaal toos ah.

Leave a Comment