WAR DEG DEG AH: Dadaalo lagu baajinayo Dagaal ka dhaca Tukaraq oo guuldareystay & Ciidamada labada dhinac ee PL & S/land oo dhaqdhaqaaqyo wada

GAROOWE(P-TIMES)- Dadaalo ay garwadeen ka ahaayeen dawladdaha jaarka la ah Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ayaa guuldareystay sidda ay sheegayaan wararka laga helayo maamulada Puntland & Somaliland, waxaana dadaalkan lagu doonayey in lagu joojiyo dagaalo dhaca.

Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa tagey magaalada Hargeysa, isagoo la kulmay Madaxda Somaliland oo ay ka wada hadleen sidii loo baajin lahaa dagaal dhaca, ciidamadoodana ay dib ugala soo baxaan goobaha weeraradan ay ka dhaceen todobaadkii lasoo dhaafay.

Somaliland ayaa gaashaanka u daruurtay dalabka Wakiilada caalamiga ah, waxayna golayaasheedu isku raaceen in deegaanka Tukaraq aan laga soo celin Karin ciidamada la geeyey, taas oo dhaawacday wada hadalada Beesha Caalamka iyo Somaliland.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ay jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda deegaanada ay isku horfadhiyaan labada ciidan, waxaana muuqata in ay si buuxda ugu diyaar-garoobeen dagaal adag oo ay dhinacyadan galaan.

Goobjoogayaal ku kala sugan Garoowe & Hargeysa ayaa sheegaya in xiisada u dhaxeysa labada dhinacba ay gaartay saacadihii ugu dambeeyey heerkii ugu sareeyey, oo ay quuldareynayaan labada dhinacba weerar lagu soo qaado.

Puntland ayaa dhawaan daaha ka rogtay in ay ka jawaabayso weeraro lagu soo qaaday deegaanka Tukaraq, waxayna sheegeen in kasokow jawaabtaas ay masuuliyada qaadi doonaan Somaliland.

FAAHFAAHINTA RIIX HALKAAN

Halkaan Ku Qor Fikirkaada