M/weyne Gaas oo ka dagay Gaalkacyo & M/weyne Farmaajo oo Bosaso kusugan

GAALKACYO(P-TIMES)- Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor dhaw ka dagay magaalada Gaalkacyo, isagoo halkaas uga sii hormaray Madaxweynaha Dawladda Faderaalka Soomaaliya oo aan wali kasoo duulin magaalada Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland ayaa kormeeraya habka loo agaasimay soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo, wuxuuna kulamo gaar-gaar la leeyahay hadda guddiga soo dhaweynta, wuxuuna sidaas oo kale booqanaya Barxadaha ay iskugu soo baxeen Shacabka magaaladaas.

Dadweynaha ayaa safaf ugu jira sidii ay u salaami lahaayeen Madaxweynaha, waxaana la adkeeyey Amniga guud, iyadoo ay xalay magaalada tageen Ilaalada Madaxda dawladda Puntland iyo ilaalada khaaska ah ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Gaas oo ka soo jeeda gobalka Mudug, gaar ahaana Gaalkacyo ayay u tahay talaabo mug-weyn soo dhaweynta wanaagsan ee maanta halkaas loogu sameynayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Faderaaliga ah ee Soomaaliya.

FAAHFAAHINTA KALA SOCO HALKAAN

Halkaan Ku Qor Fikirkaada