Odayaasha iyo Waxgaradka G Nugaal oo goor dhaw ka jawaabaya hadal kas oo yeeray Faroole

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay goor dhaw shir jaraa’id qabanayaan qaar kamid ah Waxgaradka iyo Odayaasha dhaqanka ee gobalka Nugaal, ayna uga hadlayaan xaaladdaha dagaal ee ka soo kordhay gobalka Sool, gaar ahaana dagaalka Somaliland  & Puntland.

Waxgaradkan ayaa ka jawaabaya sidaas oo kale arrimaha kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Puntland Dr Cabdiraxmaan Faroole oo uu si adag ugu eedeeyey Xukuumada Gaas, in ay ku fashilantay sugida Amniga xaduudaha.

Faroole ayaa si gaar ah u sheegtay gobalka Nugaal, wuxuuna sheegay in aan laga taageeri doonin howlgalka ciidan ee ay qorsheysay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

Wariyaasha ayaa hadda kusugan xarunta maamulka gobalka Nugaal, iyadoo uu socdo shir gaar ah oo ay leeyihiin maamulka gobalka iyo Odayaasha dhaqanka.

Madaxweynihii hore ee Puntland oo kusugan Garoowe ayaa inta badan qabsada shirar Jaraa’id oo ay warbaahinta qaarkood u tagto, wuxuuna mar kasta ka hadlaa hadba marxaladaha siyaasadeed ee dalka, isagoo Mudane ka ah Aqalka Sare ee Soomaaliya fadhigiisuna ahaa magaalada Muqdisho, laakiin ka door-biday Garoowe.

Comments

comments

Post Comment