DAAWASHO XASAASI AH: Baarlamaanka PL oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Somaliland, shaacana ka rogay

GAROOWE(P-TIMES)- Xubno katirsan baarlamaanka Puntland oo ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn oo ay ku jiraan guddoonka golaha ayaa ku dhawaaqay dagaal looga hortagayo ficilada guracan ee Somaliland.

Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee baarlamaanka Puntland ayaa sheegay in ay marar badan ka gaabsadeen duulaamada qorsheysan ee Somaliland, balse ay si cad u garab taagan yihiin ciidamada Difaaca ee Puntland.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa sheegay in ay ka jawaabayaan ficiladan oo ay la arki doono xaduuda Somaliland meesha ay noqoto, ayna si cad u dagaali gali doonan.

Xildhibaan Saadiq Abshir Garaad oo lagu tiriyo ragga sidda weyn saameynta ugu leh gobalada Sool iyo Cayn ayaa cadeeyey in la gaaray waqtigii kala baxa.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in uu dhamaaday dulqaadkii, haddana ay waajib tahay go’aanka dawladda Puntland oo la dhaqangalinayo lana soo xirayo xaduudaha dawladda Puntland ee Dastuurku qoray.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Comments

comments

Post Comment