XOG CUSUB: Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland & Saraakiil katirsan ciidamada maamulkaas oo soo gaaray Laascaanood

LAASCAANOD(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in wafdi  ka socda Somaliland oo ay ku jiraan Gudoomiyaha baarlamaanka ee maamulkaas ay soo gaareen magaaladaas, kuwaas oo ay ku jiraan Saraakiisha ciidamada ee maamulka.

Ujeedada safarkooda ayaa lagu sheegay in ay soo kormeeraan Saldhigyada ciidamada Somaliland oo ay soo eegi doonaan marxaladaha ay kusugan yihiin iyo jiidaha dagaalka oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in ay maleeshiyada Somaliland soo gaareen magaalada Tukaraq ee gobalka Sool, ay ka dambeysay markii ay sidaas amreen saraakiisha ugu sareysa ee ciidamada Somaliland.

Odayaasha dhaqanka iyo bulshada magaalada Laascaanood ayay la yeelan doonaan kulamo ay uga hadlayaan marxaladaha hadda ka taagan duleedka magaalada Tukaraq ee ku aadan dagaalka labada dhinac.

Xiisada u dhaxaysa maamulada Puntland & Somaliland ayaa korortay, waxaana muuqata in ay labada dhinacba hadda u diyaar garoobayaan dagaal rasmi ah oo ay ku doonayaan gacan ku heynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, waxaana hadda muuqda saan-Saanta dagaal.

 

2 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “XOG CUSUB: Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland & Saraakiil katirsan ciidamada maamulkaas oo soo gaaray Laascaanood

  1. Ciidamada jamuuriyad smali lnd ee sida layaabaka leha lootaba barayi kusha kadaawanaya marayo calasata tola ayida lagusoo khaladayi oo ku aga meehanaaba ya ciidamada xoga dalaka jmuuriyad somali lnd kuna dhicila ineeyii soo wajahaana cidamada kana xishodayi inayi mara 3xaada dagala u holadana dhira baaxadii shalayi kudhacadeyi ogaayena kuwii kahoreyaya ee qaadana kari waayayi dhimasha doodii dhawocodi iyo sarakishodiiba

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada