XOG MUHIIM AH: Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Xaaladda dagaal ee ka Aloosan gobalka Sool & Dhaqdhaqaaqyada oo sii kordhaya

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey oo Warsidaha Puntlandtimes.com uu ka helayo magaalada Tukaraq ayaa sheegaya in labada dhinac ee Puntland & Somalilandba ay kordhinayeen saacadihii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqyada ciidan ee ay wadaan, gaar ahaana kuwa ku jiheysan sidii ay u kala qabsan lahaayeen deegaano cusub.

Taliyayaasha sare ee ciidamadan ayaa kala gaaray jiidaha dagaalka, waxaana subaxnimadii hore ee saaka la maqlay rasaas culus oo ka dhacday Aagaas, inkastoo aysan jirin wax iska horimaad toos ah oo dhexmaray labada ciidan ilaa hadda oo toos ah.

Saldhigyadii ay kala daganaayen maalmihii lasoo dhaafay ayey kasoo durkeen ciidamadu, taas oo sii kordhisay walaaca iyo welwelka laga qabi karro dagaalo toos ah oo markale cabsidedu soo baxday.

Dadaalo lagu doonayey in lagu xaliyo in aysan dagaalo dhicin ayaa hadda u muuqda kuwa guuldareystay,gaar ahaana dhinacyada Beesha Caalamka iyo wadamada deriska ah oo saacadihii ugu dambeeyey bixinaya dadaalada ugu badan.

Puntland ayay uga dhigan tahay Tukaraq oo ay sii haysato Somaliland mid aan marnaba suuragal aheyn, taas bedelkeedana Somaliland ayaa ku adkeysanaysa in ay joogto deegaano kamid ah gobalada ay sheeganayso oo aysan suuragal aheyn in ay ka baxaan, taasi waxay muujinaysaa in aysan labada dhinacba dagaal fursan doonin.

Comments

comments

Post Comment