Ciidamada DF Soomaaliya ee Baladweyne oo qabtay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa

BALADWEYNE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in la qabtay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa iyo dabley wadatay oo doonayey in ay weerar ku qaadaan mid kamid ah xarumaha dawladda ee magaaladaas oo mashquul ahayd xiligaas. Ciidamada dawladda oo helay xog ay ka heleen dadweynaha magaalada Baladweyne ayaa ku guuleystay in ay gaarigan ku qabtaan...

DHAGEYSI XASAASI AH: DF Soomaaliya oo shaacisay hoos u dhac dhaqaale oo ku yimid Maaliyadeda, kadib caqabadda Ganacsatada Banaadir

MUQDISHO(P-TIMES)- Wasiirka Maaliyada ee dawladda Faderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyleh ayaa ka hadlay markii ugu horeysay hoos u dhaca dhaqaale ee dawladda kasoo gaaray cabashada ay muujinayaan ganacsatada gobalka Banaadir, taas oo kaliftay in hoos u dhac dhaqaale yimaado. Wasiirka ayaa sheegay in uu hoos u dhacay dakhliga dawladda ee bishan February soo xarooday, wuxuuse sheegay in la...

WAR CUSUB: Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya Xaaladda Tukaraq oo ay isku hayaan Puntland & Somaliland.

TUKARAQ(P-TIMES)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya xaaladda deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland, mudo ka badan 2 bilood waxaana ilaa hadda cabsi ku nool ah shacabka deegaankaas ka barakacay oo ay qaarkood xaalado Bini aadantinimo kuhaystaan deegaanadii ay u qaxeen. Ciidamada labada dhinac ee Puntland & Somaliland ayaa kusugan goobihii...

XOG: Laamaha Amniga ee Muqdisho oo baadi-goobaya Qaraxyo waa weyn oo soo galay gudaha caasumada dalka.

MUQDISHO(P-TIMES)- Warar hoose oo ay Puntlandtimes.com ka helayso magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay ciidamada Ammaanka ee caasumadu, baadi goob ugu jiraan baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ay ilaa hadda larumeysan yahay in ay ku jiraan gudaha degmooyinka gobalka Banaadir. Wararku waxay cadeynayaan in ay ciidamadu beegsadeen goobo looga shakisanaa in ay ku jiraan gaadiidkan,...

XOG GAAR AH: PuntlandTimes oo ogaatay in uu burburay Wada hadal u socday 7 maalmood, Ganacsatada G Banaadir & Xukuumada Soomaaliya.

MUQDISHO(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes ayaa ogaaday in uu burburay wada hadalo u socday mudo 7 maalmood ah guddiyo ka kala socday Xukuumada Faderaalka ee Soomaaliya & Ganacsatada gobalka Banaadir, kuwaas oo diiradda lagu saarayey arrimaha ku aadan Canshuuraha dalka, gaar ahaana Canshuurta Iibka oo uu muran badan ka taagan yahay. Cali Dhoore Xasan oo katirsan ganacsatada gobalka Banaadir ee...

DHAGEYSO: Dawladda Jabuuti oo faahfaahin ka bixisay heshiiskii ay kaga saartay dalkeeda DP WORLD

JABUUTI(P-TIMES)- Dawladda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixisay ujeedada ka dambeysa in uu dalkaasi ka baxo heshiiskii ay kula jireen shirkada laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo DP WORLD, taas oo gacanta ku heysay mid kamid ah dekedaha kuyaala dalkaas. Warsaxaafadeed laga soo saaray markale Aqalka MAdaxtooyada ee dalka Jabuuti, waxaa si adag looga falceliyey hadal ka...

DEG DEG: Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa dagaal culus oo ka dhacay duleedka Baladweyne

BALADWEYNE(P-TIMES)- Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar culus oo ay kooxda AL- Shabaab subaxnimadii hore ee saaka kuqaadeen deegaanka Moqokori, oo masaafo u jira magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan. Dagaalka ayaa la sheegay in uu socday labo saacadood oo xariir ah, waxaana yar faahfaahinta laga helayo goobahaas, maadaama adeega Isgaarsiinta uu hawada ka maqan yahay, waxaana warar...

XOG MUHIIM AH: Muxuu kala kulmay RW Kheyre Madaxda Imaraatka Carabt?

DUBIA(P-TIMES)- Ra’iisulwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kusugan dalka Isku taga Imaaraatka Carabta oo faragalin siyaasadeed ku leh arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuuna la kulmayaa madaxda dalkaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladdaha khuseeya iskaashiga labada dhinac. Wararku waxay sheegayaan in ay Raysalwasaare Xasan Cali Kheyre ilaa hadda is arkeen xubnaha ugu...

AKHRISO: US oo Liiska Argagixisada la beegsanayo ku daray Kuxigeenka Daacish ee Soomaaliya

NAIROBI(P-TIMES)- Dawladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay liiska dadka la doon-doonayo ku dartay kuxigeenka Hogaamiyaha Kooxda Daacish ee ka dagaalanta barriga fog ee Soomaaliya, kaas oo magaciisa lagu sheegay Mahad Calin, isla markaasna la rumeysan yahay in uu gacan yare u yahay wadaadka da’ada ah ee Cabdulqaadir Muumin oo horey uga tirsanaa Al- Shabaab. Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka...

XOG: Wasiiru dowlaha Xariirka Caalamiga ah ee Madaxtooyada Puntland oo ka hadlay talaabo ay qaaday W/Duulista Hawada & Garoomada PL.

GAROOWE(P-TIMES) – Wasiiru dowlaha Xariirka caalamiga ah ee Madaxtooyada Puntland Burhaan Cilmi Xirsi ayaa ka hadlay Imtixaan ay dhawaan qaaday wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada ee maamulkaas, kaas oo ay u tartameen in ka badan 260 Arday, lana doonayey in ay soo baxaan 10 Arday oo kaliya, kuwaas oo tababaro ka heli doona dawladda Faderaalka ee Soomaaliya. Wasiiru dowlaha ayaa amaanay talaabada...

SAWIRRO: Madaxda Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Puntland oo kulan la qaadatay Madaxa Hay’adda FOA ee Soomaaliya.

Wasiirka wasaarada Deegaanka iyo isbedelka cimilada ee Dawlada Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame  oo ay weheliyaan wasiir kuxigeenka wasaarada Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed “Maareeye” iyo agaasimaha guud ee wasaarada Mudane, Cabdicasiis Nuur Cilmi “Koor”  ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaarada Deegaanka kulan la qaatay wafti balaaran oo uu hogaaminayey madaxa hay’adda FOA ee Soomaaliya...

AKHRISO+CADEYN: Xog dheeraad ah oo ka soo baxaya Maxaabiistii la sheegay in ay ka baxsadeen Xarun Xabsi oo kutaala Garoowe

Maalinimadii shalay ayaa la ogaaday inay baxsadeen 13 ka mid ahaa dhalinyaro ka tirsanaa Ururka Al-shabaab oo bishii Marso ee sanadkii 2016 lagu soo qabtay dagaal ku dhex maray Ciidamadda Puntland iyo Kolonyooyin ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo doonyo kaga yimid Koonfurta Soomaaliya dagaalkaasoo ka dhacay xeebaha ku teedsan Badwenta Hindaya ee  kulaala dhulka Puntland. Xiliga ay baxsanayeen Maxaabiistan...

FALANQEYN: Loolanka Dekedaha Geeska Africa ee Shiinaha,Turkiga & Imaaraatka Carabta oo banaanka u soo baxay, Dekedii Jabuuti oo ay la wareegayso Shiinaha.

NAIROBI(P-TIMES)- Wax badan oo uu huursanaa ayay dawladda Jabuuti sabab u noqotay in banaanka u soo baxaan, markii ay todobaadkii hore ku dhawaaqday in ay ka baxday heshiiskii ay kula jirtay Shirkada DP WORLD ee dekedaha u qaabilsan Imaaraatka Carabta, taas oo gacanta ku heysay mid kamid ah dekedaha dalkaas, ka dib markii uu Madaxweynaha Jabuuti ku eedeeyey in aysan ka soo bixin heshiiska la galay,...

Ciidamada Amniga oo gacanta ku dhigay qaar kamid ah Shabaabkii baxsaday & Saraakiil la xiray

GAROOWE(P-TIMES)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ayaa sheegaya in ay ciidamada Amniga ee Puntland ay gacanta ku soo dhigeen 3 kamid ah Maxaabiis Shabaab ahayd oo ka baxsaday xarun lagu hayey oo kutaala bartamaha caasumada mandiqada. Sadexda maxaabiis ayaa laga soo qabtay meel ka baxsan magaalada, sidda ay sheegayaan wararku waxaana ilaa hadda lagu daba jiraa maxaabiis kale oo ka baxsatay...

Puntland oo ka jawaabtay Eed uga timid Siyaasiin & Musharaxiinta u taagan doorashada 2019.

GAROOWE(P-TIMES)- Dawladda Puntland ayaa si adag uga jawaabtay eed uga timid Siyaasiin & Musharaxiin u taagan Madaxtinimada doorashada Puntland ee sannadka 2019-ka, kuwaas oo welwel ka muujiyey arrimaha Ammaanka, mudo korsi ay Xukuumada hadda jirtaa wado iyo qorshaha shirka dawlad gobaleedyada. Wasiiru dowlaha Xariirka golayaasha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Quraanjecel ayaa...

DABAGALKA WARKA: M/weynaha Somaliland oo si adag ugu jawaabay Imaaraatka Carabta, kuna amray in ay u hirgaliyaan Arrin muhiim ah…

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u diray dawladda Imaaraatka Carabta dalab xasaasi ah oo aan farxad galineyn Xukuumaddaas, taas oo doonaysay in ay iska dhisato Saldhig Milateri oo ay ka hesho magaalada muhiimka ah ee Berbera Soomaaliya. Warqad toos ugu socotay Wasaaradda Arrimaha dibada ee dalka Imaaraatka Carabta, lana sii marsiiyey Madaxa Shirkada DP WORLD, wuxuu...

WAR CUSUB: Boqortooyada Sacuudi Careebiya oo isku mar xilalkii ka qaaday Taliyaashii ciidamada Amniga, Maxayse galabsadeen?

RIYAD(P-TIMES)- Boqorka Sacuudi Careebiya Boqor Salmaan Boqor ayaa shaqadii isku mar ka ceyriyey dhamaan taliyaashii ciidamada dalkaas, ka dib markii si lama filaan ah loo xaqiijiyey in ay Boqortooyadu ku fashilantay dagaalada ay kula jirto kooxda Shiicada. Warbaahinta ay dawladdu maamusho ayaa laga baahiyey war ku saabsan in Shaqadii laga wada ceyriyey laamaha Ammaanka madaxdooda, waxaana la sheegay...

XOG MUHIIM AH: Ma dhab-baa in ay baxsadeen Maxaabiistii Al- Shabaab ee lagu soo qabtay Dagaalka Suuj, Garmaal & Garacad ee kuxirnaa Garoowe?

GAROOWE(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes oo dabagal dheer ku sameeyey wararka ku saabsan in ay baxsadeen Maxaabiis Al- Shabaab ah oo ku xirnaa xarun kutaala magaalada Garoowe ee caasumada Puntland, horeyna loogu soo qabtay iyagoo duulaan kusoo qaaday gudaha Puntland, gaar ahaana weerarkii lama filaanka ahaa xeebaha gobalada Nugaal, Mudug & Karkaar ee ay Al- Shabaab soo qaadeen March 2016-kii. Warsiduhu...

DEG DEG: RW Kheyre oo u dhoofay dalka Imaaraatka Carabta & Arrimaha ku xeeran socdaalkan.

MUQDISHO(P-TIMES)- Ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhaw ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, wuxuuna ku sii jeeda dalka Isku taga Imaaraatka Carabta Midoobay oo uu ka helay casumaad rasmi ah, uuna safarkiisa ku beegay waqti xasaasi ah. Ra’iisulwasaaraha waxaa wehliya xubno katirsan golihiisa Xukuumada oo cabsi weyn ka qaba mooshin uga yimaada dhinaca baarlamaanka...

XOG DEG DEG AH: Somaliland oo joojisay Dhismihii Saldhiga Berbera ee Imaaraatka Carabta, kuna dhawaaqday.

BERBERA(P-TIMES)- Warsidaha Puntlandtimes ayaa ogaaday in la joojiyey dhisme ay ka waday dawladda Imaaraatka Carabta saldhig Milateri oo ay ka dhisanaysay magaalada Berbera ee Somaliland, taas oo ay amarkeeda soo saartay Madaxtooyada Somaliland. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amray gudoomiyaha magaalada Berbera in uu tago goobta dhismahan ka socdo, lana joojiyo ilaa amar dambe, taas...