DAAWO SAWIRRO: Doonidii AL Xaafiis oo la gaarsiiyey Deked Macmil ah & Wararkii ugu dambeeyey

BOOSAASO(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso waxay sheegayaan in dadaalkii gurmadka ee ku saleysanaa badbaadinta Doonida Al Xaafiis la gaaray, isla markaasna hadda la bilaabi doono Dajinta Doonidan oo wada hantidii ugu badneyd ee Ganacsatada Puntland.

Wasiiro katirsan Xukuumada Puntland ayaa booqday marsada macmilka ah, waxay bogaadiyeen dadaaladii is garabsadey ee mira-dhalay, waxayna sheegeen in ay tanii muujinayso garab istaaga Shacabka.

Culumada & Ganacsatady waxay sheegeen in ay tanni muujinayso isku tashiga ay gaareen ganacsatada ayna xooga saarayaan qorshaha horumarinta ee magaalada Boosaaso.

Arrimaha ku saabsan Doonida ayaa laga wada hadlay, waxaana socota qorshaha samatabixinta Hantida Ummadda Soomaaliyeed ee saaran doonida caariday.

XIGASHO: Sawiradda Ibraahim Siciid Saalax Wariye Madaxa banaan

 

Halkaan Ku Qor Fikirkaada