Dabagalka Todobaadka:Goorma Ayuu Ku Siman Yahay Xukunka Madaxweyne Axmed Ee Jubaland ,Maxaana U Sabab Xiisadda Siyaasadeed Ee Maamulkaad?

KISMAAYO(P-TIMES)- Todobaadkii lasoo dhaafay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wuxuu wajahay xiisaddo siyaasadeed oo uu la galay mucaaradid uga bilaabatay dhinaca baarlamaankiisa, isagoo adeegsaday awood ciidan oo uu ku weeraray dadka kasoo horjeeda fikradiisa, soona xirxiray qaar kamid ah baarlamaanka.

Talaabadaas ayaa abuurtay welwelka weyn ee laga qabi karo in mudo xileedka Axmed Madoobe si rasmi ah u wareejin doono ama u qabanqaabin doono doorashada Madaxtinimada ee maamulkaas.

Hubantida la’aanta ka taagan qabashada doorashada ayaa soo baxaysay mudooyinkii ugu dambeeyey, waxaana Axmed Madoobe uu noqday Hogaamiyaha ugu waqtiga dheer Madaxda dawlad gobaleedyada dalka.

Axmed Madoobe ayaa xilkan hadda haya 6 sanno iyo dheeraad, taas oo ka dhigan in waqtigiisa rasmiga ah ku e’eg yahay 15 August 2018, taasna ay u tahay arrin xasaasiyad leh oo ku keentay adeegsiga awooda ciidan.

Dadka la socda dhaqdhaqaaqyada Hogaamiyaha Jubbaland ayaa rumeysan in xeyn-daabka siyaasadeed iyo waqtiga lagu jiraa ay yihiin kuwa adag in xal loo helo xiisadaha xiligan hawada isku shareeray.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa doonaya sidii uu ku soo laaban lahaa mar kale, wuxuuna xooga saarayaa in daaqada laga saaro xildhibaanada ka soo horjeeda fikradihiisa, sidaas oo kalena uu la dagaalamo siyaasiinta u arko in ay halis ku yihiin, kuwaas oo ay qaarkood hadda kusugan yihiin gudaha dalka Kenya.

Siyaasiinta hadda aadka u bilaabay loolanka loogu jiro in daaqada laga saaro Axmed Madoobe, waxaa kamid ah Wasiir Ciilmooge oo horey u soo noqday wasiir katirsan dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, kaas oo ay si adag u dagaalameen dhawaan markii laxulayey xubnaha Aqalka Sare iyo hoose ee dawladda dhexe.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada