DEG DEG+AKHRISO: Musharaxiinta Madaxtinimada Puntland oo digniin ka soo saaray Mudo Kororsi, Xaaladda Tukaraq & Siyaasadda Puntland

MN(P-TIMES)- War qoraal ah oo ay soo saareen siyaasiin si weyn looga yaqaano Puntland horeyna u soo qabtay xilal kala duwan oo ay ku jiraan Wasiiro badan ayaa looga hadlay xaaladdihii ugu dambeeyey ee Puntland iyo dibu eegista Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya.

Sidda lagu sheegay Nuqul qoraal ah oo ay heshay Puntlandtimes.com waxay madashan oo la baxday Puntland FOCUS GROUP aad uga hadashay arrimaha ku saabsan welwelka ay ka qabto in Xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ku fakarayso mudo kororsi mudo xileedkeeda oo ay uga harsan tahay wax ka yar sannad.

Waxay ka digtay Madasha Puntland Focus Group mudo korarsi ay sameyso Xukuumadda Madaxweyne Gaas, taasi oo ay sheegeen inay jibinayso Dastuurka Puntland, qodobkiisa 79aad oo xadidaya mudo xileedka Xukuumadda iyo Baarlamaanka oo shan sano ah.

Madashu waxay sheegtay in haddii Xukuumadda Madaxweyne Gaas ku guul-dareysato in Doorashada ay waqtigeeda qabato ay taasi keeni karto deganaansho la’aan Siyaasadeed iyo kacdoon dadweyne.

Siyaasiintu waxay xasuusiyeen shacabka Puntland dagaalkii Sokeeye ee 2001 illaa 2003 kaasi oo ka dhashay isku day mudo korarsi ah oo ay sameysay Xukuumadii Xilligaasi shaqeynaysay, iyadoo ay colaadda horseeday dhimasho badan iyo barakac xooggan.

Qoraalka Siyaasiintan ayay ku baaqeen la xushmeeyo laguna dhaqmo Dastuurka Puntland, oo aysan dhicin wax mudo korarsi ah lana qabto Doorashada January 8, 2019-ka, taas oo aan marnaba laga dib mari-karin.

Ammaanka mandiqada Puntland ayay ka hadashay madashu waxaana lagu dhaliilay Xukuumada talada haysa in ay ka gaabisay arrimaha Ammaanka, gaar ahaana ay dhaceen ficilo iyo weeraro ay ahayd markii ugu horeysay ee ay ka dhaceen gudaha Puntland, sidda weerarkii Argagixiso ee AF Urur.

Madashu waxay ku baaqday in la adkeeyo Amniga gudaha & Xaduudaha, sidda uu qabo Dastuurka dalka, sugida amnigana laga dhigo muhiimada koowaad, maadaama ay soo dhaw-dahay waqtiga doorashada ee Puntland 2019-ka.

Warsaxaafadeedkan waxaa kaloo lagu soo qaaday arrimaha Tukaraq oo ay Siyaasiintan si adag uga hadleen, fariin-na u direen Xukuumada uu hogaamiya Muuse Biixi Cabdi, waxayna ugu yeereen Biixi in uu ciidamadiisa kala baxo deegaanka Tukaraq oo ay qabsadeen bilowgii sannadkan, taasi haddii aysan dhicina waxay ka digeen daganaansho la’aan iyo colaad ka dhacda gobalka, masuuliyadana ay qaadayso Somaliland.

Madashu waxay ku eedeeysay Xukuumada Puntland in aysan ka jawaabin weerarada Somaliland, sidaas oo kalena aysan waxba xog ah shacabka Puntland kala wadaagin wada hadalada Dawladda Faderaalka iyo maamulka Somaliland oo laga hadlayo arrimo halis galinaya dawlad gobaleedyada iyo Nidaamka Faderaalka ee Soomaalidu ku heshiisay.

Puntland Focus Group ayaa soo hadal qaaday hanaanka dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya kaasi oo mudooyinkii dambe uu khilaaf ka taagnaa wadada loo marayo dib u eegistiisa iyo wadatashiga laga sameynayo intaba.

Waxay Madasha Puntland Focus Group ku baaqday in hanaanka dib u eegista Dastuurka Soomaaliya uu noqdo mid hufan, loo dhan yahay islamarkaana ka tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Markii dib u eegista lagu sameeyo, lana qabyo tiro, Dastuurka Federaalka waa in lagu ansixiyaa afti dadweyne, iyadoo laga talo gelinayo Somaliland.

Wixii intaasi ka horeeya, Puntland waa inay ku dhaqantaa Dastuurkeeda uu ansixiyay Baarlamaanka April 18, 2012 kaasi oo u baahan la dhowro laguna dhaqmo, iyadoo loogu adeegayo shacabka reer Puntland danahooda.

Dowladda Puntland waxaa doortay shacabka oo ay matasho, waxaana looga baahan yahay inay ku shaqeyso Dastuurka u yaalla, kaasi oo faraya inay ilaaliso amaanka xuduudaheeda iyo muwaadiniinta.

Siyaasinta soo saaray warsaxaafadeedkan oo ku soo beegmay waqti xasaasi ah ayaa ah xubno horey xilal uga soo qabtay Puntland waxayna kala yihiin.

  1. Cali Xaaji Warsame oo horey u soo noqday Musharax iyo Wasiirkii Waxbarashada & Tacliinta sare ee Xukuumada Gaas.
  2. Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u soo noqday Musharax M/weyne iyo Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga caalamiga ah dawladda Faderaalka Soomaaliya.
  3. Faarax Cali Shire oo horey u soo noqday Wasiirkii maaliyada ee Xukuumadii Faroole.
  4. Khaliif Ciise Mudan oo horey u soo noqday Wasiirkii Amniga & DDRta Xukuumadii Faroole.
  5. Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir) oo horey u soo noqday Musharax iyo Wasiirka Arrimaha gudaha, D/hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Xukuumaddii Faroole.
  6. Cabdi Faarax Juxa oo horey u soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Xukuumadii Faroole, kuna dambeeyey Wasiirka Arrimaha gudaha DF Soomaaliya ee Xukuumada Kheyre.
  7. Isse Maxamuud Faarah oo horey u soo noqday Agaasimaha Macdanta iyo Batroolka ee Xukuumaddii Faroole, madashana Afhayeen u ah waqtigan.
  8. Xaaji Maxamed Yaasiin oo horey musharax ugu noqday Madaxweynimada Soomaaliya, Ganacsade degan Nairobi
  9. Dr Maxamed Salaad Qoryooley oo ah Siyaasi
  10. Maxamuud Axmed Xasan oo ah Siyaasi

 

 

10 Comments

  1. Haliye says:

    Doqonkii Gaas waa lagu dhegan yahay

  2. Ibrahim says:

    EEY BUURTINLE ADIGA HADALKAAGA WAXKASOO QAAD MALEH ILAA AAD SACAD KA XOROWDO DADKII WAXKAA CELIN JIRAY OO KU DIFAACI JIRAY WAA ADIGAA KU MATAGAY, CISMAAN IYO CIISE WAA KUWII SACAD KAA CELIAYAY MARKII LAGU GUMEEYAY. MID OGSOONOW GAAS DHAGOOL ADIGU WAX UMA TARI KADHID DHABTII LIBAAXA AYUU KU FADHIYAA OO WAA INAN LAYAAL GABADHAA MEESHA KU HAYSA SAAS AYUU KU CIMRI DHEERAYSTAY EE WALAHI MAALIN MA SII JOOGEEN, WAXAAN KUU ZHEEGAYAA EEY BUURTINLOW CID MAANTA KAA LIIDATA PUNTLAND MA JIDHO NIN AAN XOR AHAYN OO DHULKIISII LA HAYSTO MUXUU DHIHI KARAA? CIISE IYO CISMAAN DHULKOODII AYAY JOOGAAN KANA TALINAYAAN AYAGAANA KUU TALINAYA WALIGOOD. CISMAAN ASAGAA KEENAY GAAS DHAGOOL HADANAHADAY DAMCAAN INAY DADKA KA HOR LEXIYAAN GELIN KUMA QAADAN DOONTO WAAYO WAXAY DIIDAAN SHAQAYN MAYAAN WAXAY RABAANA WAA SOCON.

  3. Mohamad says:

    Dadka noocaasa ee markii walaalohood oo dhami ka firdhadeen ee majeerteen isugu hadheen sidaa isu xagxagamaya ayaa dad la doodaya kkkkkkkkkkkkkkkkklkkkkkkkkkkk waa yaabka yaabkiis mee kii xoolaha ahaa ee abdiweli ha arko inangumeednimada reer tolkiiyee oo isku xagxaganaya mediaha kkkk hadda waa majeerteen dhexdoodii maxaad maalinba maalinta ka danbaysa arkaysaa fashilka majeerteeniya kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkallaa idin kashifay show waa waxa lagaga yaacay ee ay iminka isugu xagxaganayaan meheradda sii kacaysa musalaf.com weeye xaalkoodu.

  4. Mohamad says:

    Maxay ololaha Ku gelayaan ariboowe tukaraq falaq laguma qabsan kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

  5. Mohamad says:

    intay ka doodi lahaayeen mawduuca hor yaala ayay madaxdooda caayayaan kii kalena kama roonaan oo ma garan waar madaxweynuhu waa idinka dhexeeyaa ee ha ka xigsanee reernimuu u difaacayaa gaas yaa ila qoslaaaaaaaaaaaaay.

  6. Mohamad says:

    Dee lkn ma wax intaa dhaafsiisan bay meesha Ku hayaan illeen ceeb looma dhinto dadka noocaa caqligoodu yahay miyaa harumar laga filayaa.

  7. Anonymous says:

    mahamad

    saxiib manta jaadkii maxaa raacisay.
    laakiin gacanta ayan kuu taagay runtii…
    wakhitigii yaraa aad reer puntland la doodaysay lahjadii puntland waad soo dhaweysey LOL. laakiin wali heer dugsiga dexe kamaadan gaarin lahjada reer puntland. mardhow waxaan u malayn in laguu bixin doono khaldaan puntland.

    taladaan iga qaado….haisku dayin in aad iska dhigto sadex qof…caruurtu yaysan ku fahmine . markii hore buuhoodle ayaad ahayd hadana burtinle……nin yahow waa in dowlada puntland ku siisaa dhalasho puntland.

  8. Mohamad says:

    kkkk sxb horta nin macquula ayaad u eegtahay lkn anigu waan isku kalsoonahay wax aan ahayn magacaygana wallaahi inaanan kusoo gelin hadduu walluu Ku marayo adaa laba kusoo gala oo aan dareemay kkkkkkkkkkkkk .

  9. Mohamad says:

    kkkk sxb qaadkan iyo waxan aad sheegayso ma cune lkn waa wax soomaali lagu ibtileeyay puntlandna waa dhul soomaaliyeed inaan dhalasho u qaatona laygama baahna.

  10. Anonymous says:

    Asc wlo maxaa wanaag inii diiday waqtiga lagu jiro waa aduuno gadoone ee waxaa tihiin walalo wanaag iyo horumarka markii aad raadin laheeydeen oo dadkiina macaluusha iyo gaajada udhamaanaya inaa wAsiis lagu samata bixin lahaa inaa raadisaan inta meelaha cay lafadhidaan. Orda oo dib isugu noqda oo caalamka lajaan qaada oo illahay ka xishood wax isku Fala. Aduunka waa ayaamo ciise iyo cumar iyo cismaan wax idiin qaban mayaan camalkiina iyo waxaad dhigtaan.illahay ka cabsada

Leave a Comment