DEG DEG+SAWIRRO: M/weynaha Jubbaland oo ku biiray wada hadalka Nairobi ee ONLF & Itoobiya, lana kulmay dhigiisa Jigjiga

NAIROBI(P-TIMES)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay si rasmi ah uga socdaan wada hadalada Itoobiya & ONLF, kuwaas oo ku saabsan mustaqbalka gobalka Soomaalida ee dalkaas Itoobiya iyo soo afjarida dagaalada hubeysan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa la kulmay Madaxweynaha ISmaamulka Soomaalida ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ay ka wada hadlayaan sidii wada hadalku u noqon lahaa mid guuleysta.

Axmed Madoobe ayaa ka mid ah siyaasiinta lagu tirinayo in ay doorka wanaagsan ka ciyaarayaan si loo soo afjaro colaaddaha daba-dheeraaday ee gobalka Soomaalida Itoobiya, waxaana socda dadaaladii ugu dambeeyey.

Hadal hayeen u hadlay ONLF wuxuu u sheegay BBC-da in la gaari doono natiijo wanaagsan, isagoo cadeeyey in laga gudbi doono caqabado badan oo soo taagnaa 3-sanno ee lasoo dhaafay, kuwaas oo ay labada dhinacba tanaasul muujin doonaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in heshiis rasmi ah lagu saxiixi doono magaalada Nairobi ee dalka Kenya, qodobada laysku raacana ay noqon doonaan kuwa guulo wanaagsan laga gaaro.

Itoobiya waxaa ka jooga madaxda Ismaamulka Soomaalida, Wasiiro katirsan Heer Faderaal iyo Saraakiil katirsan Sirdoonka oo ujeedadu tahay sidii ay miro-dhal uga dhigi lahaayeen wada hadalada hadda ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Leave a Comment