DHAGEYSO: DF Soomaaliya oo ku dhawaaqday in ay burburisay baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha Qarxa

Filed under: Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES) – Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa shaacisay in la burburiyey labo saldhig oo ay lahayd Al- Shabaab, ayna xiligaas ku diyaarsanayeen baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, iyadoo yoolka ahaa in lagu weeraro xarumo kuyaala magaalada Muqdisho.

Saraakiisha laamaha Ammaanka ayaa sheegay in la fashiliyey howlgalkan, waxaana la xaqiijiyey in uu ahaa bartilmaameed guuleystay, sidda uu sheegay Hadal-hayeen u hadlay ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in howlgalkii Shalay ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose in lagu burburiyay xarumo muhiim ah oo ay Al-Shabaab la haayeen.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay burburiyeen labo gaari oo siday Qaraxyo, kuwaasoo ay suurtagal tahay in ay kusoo jeedeen Magaalada Muqdisho.

Caanood ayaa sidoo kale xusay in ay burburiyeen Idaacad Al-Shabaab ay leeyihiin oo lagu magacaabo Anduluus taasoo ku taalla degaanka Mubaarak.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.