DHAGEYSO: M/weynaha Jubbaland oo ka hadlay maqaamka caasumada Muqdisho

Filed under: Wararka Maanta |

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa ka hadlay maqaamka ay yeelanayso caasumada dalka ee Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay arrimahaas yihiin kuwa siyaabo kala duwan looga hadlo.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in looga baahan yahay dhinacyadan oo dhan in ay dadajiyaan qorshaha dhameystirka maqaamka caasumada.

Axmed Madoobe wuxuu cadeeyey in ay waajib tahay in la dhameystiro qorshaha, oo ay qolo kasta doorkeeda qaadato, isagoo sheegay in la wada leeyahay caasumad oo aysan jirin cid si gaar ah isku xijin karta, laakiin wax la sheeg sheego.

Mr, Madoobe ayaa sheegay in Maqaamka Muqdisho ay faa’iido badan ugu jirto umadda Soomaaliyeed isaga oo ku baaqay in si deg deg ah loo dhiso loona cadeeyo maqaamka Muqdisho.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO

Hogaamiyaasha dawladda Faderaalka Soomaaliya & Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Thaabiy Cabdi Maxamed ayaa isku maan-dhaafay xaaladda maqaamka caasumada oo ahayd bud-dhigii arrimaha dhinacyadu ay isku hayeen.

 

 

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.