LOOLANKA PUNTLAND: FACEBOOK oo bar bilow u noqday Loolanka loogu jiro Madaxweyne-nimada Puntland & Musharaxiinta banaanka is keenay?

GAROOWE(P-TIMES) – Aalada Bulshadu ku xariirto ee loo yaqaano Facebook-ga ayaa durba bar-bilow u noqotay Loolanka Doorashada Madaxweyne-nimada ee Puntland ee loo madlan yahay 8 January 2019, waxaana la arkayaa sawirro iyo Oraahyo aad loo qurxiyey oo ay leeyihiin musharaxiinta qaarkood oo si lacag ah kugu soo gaaraya, haddii aad tahay qof Isticmaala Aaladaas.

Doorashadii 2016-kii ka dhacday Soomaaliya oo saameyn ku yeelanaysa doorashada Puntland ayaa casharadii laga bartay qaar kamid ah ayaa u muuqda in ay saameyn ku yeelanayaan Puntland, gaar ahaana xagga Facebook iyo jiheynta aragtida dadweynaha.

Goor horeba musharaxiintu waxay kala yeesheen kooxo adag oo ka difaaca dhinacyada baraha bulshada, gaar ahaana Facebook-ga, waxaana koox kasta ay maalgalinaysaa fikradaha iyo fariimaha musharaxa ay taageersan yihiin, taas oo ka dhigan loolanka oo ku bilowday si xawli leh.

Si ay ku jirto farshaxanimo ayay taageerayaasha Siciid Cabdullaahi Deni, Cali Xaaji Warsame, Faarax Cali Shire, Cali Cabdi Awaare, Cabdirisaaq Jano-gale, & Jibriil Maxamuud Yuusuf  ayaa bilaabay ole-olahooda dhinaca Facebook-ga, Puntlandtimes ayaa fahamsan in ay talaabadan qaadeen taageerayashooda qaarkood oo faafinaya fikradaha musharaxooda.

Puntlandtimes waxay ogaatay in musharaxiin badan ay qorsheynayaan in ay si aad ah u isticmaalaan Facebook-ga oo ah aalad ay iskugu yimaadaan bulshadana, ay suuragal tahay in ay Xildhibaanadu ku go’aan qaataan, waxaana si aad ah isha loogu hayaa Suuqaas oo kacsan.

Taageerayaasha musharaxiinta ayaa si deg deg ah uga jawaabaya faalooyinka ay jeedinayaan dadweynaha ay gaarayso fariinta, waxayna iska difaacayaan dhaliil kasta oo lasoo jeediyo, taas oo ka dhigan loolan adag oo laga galayo doorashada.

Warsidaha Puntlandtimes.com oo ku foogan sidii uu xog badan uga ogaan lahaa Loolanka adag ee socda, xoogana saaraya in macluumad sax ah laga helo musharaxiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweyne-nimada ee Puntland iyo caqabadaha haysta 20 sanno ka dib ee loo baahan yahay in laga gudbo ayaa si taxane u soo bandhigaya wararka Doorashada ku saabsan.

SI AAD JOOGTO UGU HESHO WARARKA LOOLANKA DOORASHADA RIIX HALKAAN

AKHRISTE ADIGU NALA WADAAG MACLUUMAADKAAGA
EMAIL: farahabdulkadir710@gmail.com

6 Comments

  1. Mohamed says:

    Waxaan garanayaa murashaxiin badan oo qaybtood ayaan si fiican ugaranaayo, Aniga inta hada sharaxan waxan ka Dooran lahaa fikradayda Cali xaaji warsame.

  2. abdiweli says:

    umajeedo cid hindise cusub la timid. sheekoonyinkii bari samaadkii ayaa lagu soo celcelinayaa. waxkasta waxay ku soo biyo shubteen ana markay aan noqdo. war waa in labo xisbi wadanka laga hirgalyaa ama dagma kasta 1000 qof lag diinwaan galiyaa oo wax doorta si oday dhaqmeedka meesha looga saaro. hadii kale waa jug jug meeshaadii joog.

  3. abdiweli says:

    hirgalinta lobo xisbi waxay ka hortagaysaa in qabiil kasta dabakaayo siyaasadeed furto…..1000 qof ama ka badan oo dagmooyinka laga diinwaangaliyo waxay ka hortagaysaa laaluuska oo cid lacag iyo laasluush u awoodi kadha 30000 oo qof iyo ka badan suurtagal ma noqonayso . hal qof iyo hal cod reer puntland wakhtigaan xaadirka ah ma awoodaan farsamo awgeed

  4. waaa og yahay qof gululay sanaya kursika madtinimo eee dawlda puntland mudane cali xaji warsame

  5. AAR PUNTLAND says:

    MAXAMED IIDOOROW MAXAA KAA QUSEEYA ARIMAHA PUNTLAND MISE HABAR PUNTLAND BAA KU DHASHEY KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

  6. Mohamad says:

    Neefow haygu qarwin anigu aabahaa ma ihiyee hayguna khaldin ninkan aanu isku magaca nahay kkkkkkkkk bal xoolahan igu khafiifay eega kkkkk.

Leave a Comment