Shir muhiim ah oo maanta ka furmaya Garoowe & M/weyne kuxigeenka Puntland oo furi doona

Filed under: W.Gudaha,Wararka Maanta |

GAROOWE(P-TIMES) – Caasumada Puntland ee Garoowe waxaa maanta ka furmi doona shir looga hadlayo arrimaha dibu eegista Dastuurka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan xubno ka socda dawladda Faderaalka oo shalay soo gaaray magaaladaas iyo maamulka Puntland.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Cumar Camey ayaa si rasmi ah lafilayaa in uu furo kulankan, waxaana diiradda la saarayaa sidii dibu eegis dhameystiran loogu sameyn lahaa arrimaha Dastuurka ee dalka.

Wasiirka Dastuurka ee dawladda Soomaaliya Abukaate Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa kusugan magaalada Garoowe, waxaana wehliya labada guddi ee baarlamaanka iyo kan madaxa banaan ee dawladda Soomaaliya, kuwaas oo shaqadoodu tahay sidii loo dardargalin lahaa arrimahan.

Dibu eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa ah mid muhiim ah, waxaana lafilayaa in la dhameystiro ka hor sannadka 2020-ka, si loo dardargaliyo hanaanka Doorashooyinka ee dalka oo muhiim ah.

Shirka maanta waxaa sidaas oo kale xoogu lagu saarayaa sidii loo ogaan lahaa afkaarta ay qabaan Shacabka Puntland, iyadoo ay xubnahan tagi doonaan gobalada kala duwan ee Puntland.

Hogaamiyaasha Soomaalidu waxay isku raacsan yihiin in si deg deg ah loo dhameystiro howlaha dibu eegista Dastuurka Soomaaliya, waxayna horey ugu balameen in guddigan ay heleen adeegyada ay u baahan yihiin oo dhan, kuwaas oo loo dhameystiray.

Share on Facebook

Comments

comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.