Puntland oo ka jawaabtay Eed uga timid Siyaasiin & Musharaxiinta u taagan doorashada 2019.

GAROOWE(P-TIMES)- Dawladda Puntland ayaa si adag uga jawaabtay eed uga timid Siyaasiin & Musharaxiin u taagan Madaxtinimada doorashada Puntland ee sannadka 2019-ka, kuwaas oo welwel ka muujiyey arrimaha Ammaanka, mudo korsi ay Xukuumada hadda jirtaa wado iyo qorshaha shirka dawlad gobaleedyada.

Wasiiru dowlaha Xariirka golayaasha ahna Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Quraanjecel ayaa sheegay in amniga Puntland wax badan laga qabtay, gaar ahaana dhinaca La dagaalanka Argagixisada.

Quraanjecel wuxuu sheegay in dhaliilaha dhanka Amniga gudaha iyo xaduudaha ee lasoo jeediyey Xukuumadooda ay tahay mid aan waxba ka jirin, ayna ciidamadoodu dagaalka ugu adag kula jiraan Ururada Al- Shabaab & DAACISH, wuxuuna intaasi ku daray in ay sii wadayaan dagaalkaas.

Afhayeenka Madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay in aysan aheyn xaqiiqo wararka sheegaya in Madaxweyne Gaas damacsan yahay mudo kororsi siyaasadeysan, wuxuuna cadeeyey in arrimaha doorashooyinka la xariira laga sugayo guddiga Doorashooyinka KMG ah ee Puntland, kuwaas oo horey u magacaabeen baarlamaanka iyo Xukuumadu.

Wasiiru dowlahan ayaa sheegay in wararka Siyaasiintu ay yihiin baqdin iyo wax aan joogin oo ay ka hadlayaan, taasna ay tahay mid aan gabi ahaanba xiligan aheyn waqtigeeda, oo guddiga Doorashadana laga sugayo jadwalka doorashada, maadaama iyagu sharciyad u leeyihiin.

Mar la weydiiyey xeeladaysi mudo kororsi oo uu Madaxweynaha Puntland gadaal ka riixayo, ayuu sheegay in aysan waxba ka jirin ayna doorashada iyo howlaheeda leeyihiin guddiga TPEC ayna tahay in iyaga loo madax banaaneeyo shaqadooda.

Shirka madasha ee magaalada Garoowe ka dhici doona 20 March 2018, ayuu sheegay in uu yahay midkii labaad oo ay madaxdaas yeelan doonaan, wuxuuna ka gaabsaday in uu ajendaha shirkan ka hadlo.

Guddigan Doorashada ee TPEC ayaa diwaangaliyey 5 Urur siyaasadeed oo qorshahoodu yahay in ay isku diyaariyaan doorasho qof iyo cod ah, taas oo shaki weyn laga qabi karro sidda lagu gaarayo 10 bilood wax ka yar oo ka dhiman tahay mudada Madaxda dawladda ee hadda xilka haysa.

Horey siyaasiin & Musharaxiin ayaa ugu eedeeyey Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas in uu qorsheynayo in uu mudo 2 sano ah ku darsado mudada xilheyntiisa Dastuuriga ah oo ku e’eg 8 January 2019, taas oo ah mudo shan sanno ah oo ay doorteen baarlamaanka mandiqadu.

Jawaabta ka timid Madaxtooyada Puntland waxay ku soo beegantay xili si weyn loo bilaabay loolanka doorashada Madaxtinimada Puntland oo la rumeysan yahay in xasaasiyad badan ka taagan tahay waqtigan, gaar ahaana Hindisayaal banaanka u soo baxay oo sheegaya mudo kororsi siyaasadeed oo ay ku foogan tahay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

2 Comments

  1. Mohamed says:

    War kan haya xilka iyo kuwa imandoona isma dhaamaan

  2. AD Coscin says:

    Muxuuyahay damacqabe siyaasadeed u loolamaya massiirka dalka.
    Maxaase lagaraba in uu kusifoobo.
    •Wa in uu ahaadaa nin daacad ah cadyihiin mowqifkasa siyaasadeed ee ku’aaddan waxqabdkiisaa.
    •Wa in uu u dhaxeeyo ummadda uu doonaayo in uu hugaanka u qabto.
    •Wa in uu kafogaado in uu kusifoobo nin raadinaaya wax bursi iyo tacab duunyo.
    •Wa in uusa wax kuraadin aragti nacayb kusalaysan oo hagaas ah ama brimitif ah salkana kuhaysa qabyaalad iyo waana loojoogin.
    •Wa in uu yahay nin shacbiga runta u sheegikara assagoo aan ciryaamo isqarinahayn. Waa sifaha ninka lidarkaa lagarabo ee geesinimadu kudheehantahay.
    •Wa in uu anshax, Eebee kacabsi leeyahay shacbigana udhaxeeyo, labadiisa gacnoodna midnna riixahayn midnna soodhawaysanahayn.
    •Wa in uu yahay nin hawsha loo’igmaday u gudanaaya sida’aytahay.
    •Wa in uu yahay nin waxa looqoondeeyay waxaan ahayn u haqantaagayn.
    •Kashaqaynaaya horumarka, caafimaadka, tacliinta, kobaca dhaqaalaha, waxsoosaarka, shaqa’abuurka iyo sugidda amniga dalka.
    •Shacbigu wuxuu u baahanyahay hugaan caafimaadqaba kafayoow qabyaalad, aqli iyo aqoonleh siinaaya iftiin iyo tusaale shacbiga.
    •May,looma baahna nin shiddo iyo qalalaasa abuuraaya xiligaan kunadoonaaya danhkaasa.
    •Lahaynna tanasulaad xumaan mooje wanag kashaqaynahayn.
    •Wa in uu yahay nin qawleh run sheeg ah u danaynaaya dalkio dadka.
    •He shoud be collaborator than a competitor to build bridges rather than destroy them.
    •Waa sideeytahay: ibtilada dalka haysata waxaa oguuwacan ragga qurbajoogtaa dayacay ubadkooda doonaaya kolayga in ay buuxsadaan ayakoon xaraan iyo xalaaltoona u abayeelayn.

    AD Coscin

Leave a Comment