Wararkii ugu dambeeyey ee Jiidaha ay isku horfadhiyaan ciidamada Puntland & Somaliland

TUKARAQ(P-TIMES)- Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxaya jiidaha ay isku horfadhiyaan ciidamada labada maamul ee Puntland & Somaliland ayaa sheegaya in ay wali taagan tahay xiisadda colaadeed, taas oo ay labada dhinacba si xawli ah wali ku wadaan dadaalada ku aadan arrimaha dagaalka.

Inkastoo aysan jirin wax rasaas ah oo laga maqlayo aagagaas tan iyo wixii ka dambeeyey Axadii lasoo dhaafay, haddana cabsi ayaa laga qabaa dagaal culus oo labada kooxoodba dhexmara.

Gaadiidka dagaalka iyo ciidamo cusub ayaa lagu daabulayaa goobahan, waxaana muuqata in labada maamul ay u diyaar garoobayan wali dagaal buuxa oo ku aadan gacan ku heynta gobalka Sool.

Maleeshiyaad u dhashay deegaankaas ayaa xooga saaraya sidii ay u qabsan lahaayeen deegaanadooda, kuwaas oo iskaga yimid inta badan deegaanada gobalkaas, waxayna kala taabacsan yihiin labada maamul.

Warar hoose ayaa sheegaya in ay jireen dadaalo gaabis ah oo ay wadeen wakiilada caalamiga ah, kaas oo yoolka laga leeyahay ay tahay in lasoo afjaro xiisadahan, laguna bedelo xal iyo wada hadal rasmi ah.

Isimada deegaanadaas ka soo jeeda qaarkood ayaa qeyb ka ah abaabulka ka socda dhinaca Puntland, waxayna cadaadis xoog badan kuhayaan Madaxda Puntland si ay u qaadaan duulaan dib loogu qabsanayo goobaha ay gobalka Sool ka maamusho Somaliland.

5 Comments

  1. Mohamad says:

    Wax saansaan dagaal ahi kama jirro aagaga dagaalka, bootadiina iska dhamaatay marka dhulkan intii badnayd lagu kala bax marka laga reebo 40km oo somaliland xadkeedii ujirto dadkuna waa reer somaliland dhulkuna waa dhul somaliland waxa qaylada wadaa waa midhadhka garoowe jooga ee xilalka ka haya iyo dhawr oday dhaqameed oo aan tegi karin dhulkay kasoo jeedeen lkn puntland waxay Ku tidhi boowe qaylada naga yareeya ordana dhulkiina aada kkkkkkkkkkkkkkkk.

    • Alli says:

      War qofkanu xooleysanaa ma qaad buu ka soo dhargey, saan-saan colaadeed majirto kkkk aagag farabadan ee deeganka Tukaraq isku hor fadhiyaan laba ciidan maamul goboleed oo aad u farabadan ayuu waxuu leeyahay saan-saan colaadeed majirto waa ummad qiyaali ku nool.

  2. daldoon says:

    war ha u bixin waa baciido gadaal ka gaar ah , waxay hayaan maleh jeegaanta waxaa ka maqan xiniiyihii iidoor habar yoonis ma ayagaa dagaalami kara maalin baa lasoo qa qabanayaa kkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Mohamad says:

    kkkkkkkkkkk alla wuxu doqonsanaa bal waxay Ku niicleeyihiin eega waar xooloyohow dhufaanka ahi somaliland waxay leedahay ciidan rigli ah maaha sidiinna dhawr boqol oo iyagoo xoolahoodii iska raacanaya muusannow lagula dhex dhacay dabadeedna iyagoo cagaa jiidaya iskeenay haddana kurbanaya meel ay wax ka bilaabaanna garan la’ illeen tababar ciidan may qaadanee kkkkkk haddan maxayba xabbad ridaan iyagiibaaba kurbanayee hadday far taagaanna raaca horeba kasoo hadhi maayaan aar masaakiinta aad soo lugoyseen bacadka ka kexeeya waad u jeeddaan xaalkoodee kkkkkkkkkkk se yay ahayd inay is muujiyaan ma ninka guusha jooga mise ka la baacsaday maxaan idin kala hadlaa maba fayoobidinee kkkkk.

  4. Mohamad says:

    kkkkkkk waxay la maraysaa isaaq ukala abtiri nacasnimadiisa kkkkkk maxaa isaaqba keenay ciidanka kudul fadhiyaa waa dhammaan beelaha somaliland min daraf ilaa daraf xattaa harti kkkkkkkkkkk eesh qiyaasak aar dhareerka iska du labeebyohow arrinku waa kugu jiqee soomaali oo dhamina waa kuu jeeddaa yaa daaroodaayna waxba kuu tari waydayee kkkkkkk aar xaarka xejiso nadalyohow.

Leave a Comment