WARBIXIN: Siyaasiinta Gobalada SSC ee ku kala jira Puntland & Somaliland, Yaa kuguuleystay Ku loolankii TUKARAQ?

Filed under: Wararka Doorashada P/land,Wararka Maanta,Warbixino |

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Bilowgii sannadkan ayaa ku bilowday Loolan awoodeed iyo daruuro colaadeed oo ka curta gobalka Sool, ka dib markii ay Somaliland qabsatay deegaanka Tukaraq oo muhiim u ahayd Puntland oo ay u ahayd caasumada KMG ah ee gobalkaas, markii laga qabsaday Laascaanood sannadkii 2007-dii.

Siyaasiinta kasoo kala jeeda gobalka Sool ee xilalka kahaya Puntland & Somaliland ayaa si aad ah iskugu howlay arrimaha la xariira sidii awoodooda ay ugu kala muujin lahaayeen cidda ku sareysaaa gobalkaas, waayna xooga saareen sidii qolo kasta awoodeeda oo dhan u adeegsan lahayd.

Wasiiradda, Xildhibaanada iyo madaxda labada dhinac ee kasoo kala jeeda maamuladu waxay xooga saareen sidii loo kala qabsan lahaa guud ahaan gobalka Sool, qaarkoodna waxayba xooga saareen in Tukaraq ay sii joogto Somaliland.

Siyaasiinta kujira Somaliland waxay dadaal ku bixiyeen sidii meelmar looga dhigi lahaa in aan ciidamada maamulkaas dib looga soo celin deegaanka TUKARAQ, waxayna dadaalkii ugu badnaa gasheen sidii looga sharciyeyn lahaa golayaasha Somaliland.

Gudoomiyaha baarlamaanka Somaliland Baashe Maxamed Faarax wuxuu xooga saaray in meelmar laga dhigo qorshahan, isagoo taas adeegsanaya ayuu kalfadhi deg deg ah iskugu yeeray xubnaha golahaas oo cod aqlabiyad ah ku taageeray qaraarkaas.

Mr, Baashe wuxuu sidaas oo kale taageero wanaagsan ka raadiyey golaha guurtida ee maamulkaas, isagoo Saleebaan Gaal oo ah guddoonka golahaas ku qanciyey in si deg deg ah lagu taageero qaraarkii baarlamaankiisa, taas oo meelmar u noqotay.

Siyaasiintaas waxay xooga saareen in Madaxweynaha Somaliland ka dhaadhiciyaan in aan marnaba laga soo laaban Tukaraq, cadaadis kasta oo yimaada ayna tahay talaabo sharciyad golayaasha ka haysata, taas oo ku adkeysay Somalilandta in aan laga laaban karrin qorshahaas.

Xubnaha kusugan magaalada Garoowe ayay u ahayd Tukaraq Imtixaan adag oo siyaasadeed, kaas oo saameyntiisa leh, waxaana uu ku soo beegmay xili loolanka Madaxtinimada ee Puntland ay bilo uun ka harsan yihiin.

Siyaasiinta kusugan Garoowe ayaa qaarkood u arkaya qabsashadii Tukaraq arrin adag oo aysan fileynin, ilaa haddana aysan jirin wax talaabo ah oo ay qaadeen, marka laga hadlayo abaabulka ay Puntland ugu jiryo dib u hanashada gobalka Sool.

Falanqeeyaasha Siyaasadeed ayaa rumeysan in siyaasiinta labada dhinac ku kala jirta ay kala aragti dheer yihiin, sidaas oo kalena saameynta deegaanka ayaa qeyb ka ah arrimaha ay kala dheereeyeen labada dhinac.

Inkastoo uu wali socdo abaabul dagaal oo labada dhinacba ay haddaan, haddana dadka arrimahan sidda dhaw ula socda ayaa rumeysan in aysan Somaliland si fudud ku joogin gobalka Sool, balse ay horgal wanaagsan u yihiin xubno ka soo jeeda gobalkan, kuwaas oo waliba leh saameyn ciidan.

Wixii ka dambeeyey 2007-dii, xiligaas oo ahayd markii Wasiiro horey uga tirsanaa Puntland ay isku dhiibeen Somaliland, kana soo jeeday gobalka Sool, magaalada Laascaanana ay qabsatay Somaliland, waxay ahayd arrin iska cad in Siyaasiinta labada dhinac ay xilal kala duwan u kala raadsadaan labada maamul hadba kii ay doonaan.

Share on Facebook

Comments

comments

5 Responses to WARBIXIN: Siyaasiinta Gobalada SSC ee ku kala jira Puntland & Somaliland, Yaa kuguuleystay Ku loolankii TUKARAQ?

  1. Taa ma cid baa caad ka saaranyahay in somaliland 99% Ku guulaysatay kasbashada dadkeeda inta hadhayna la gaadhi doono kkkkkkk haddaan gartay sababta puntland tukaraq oo lagu Kala calaf qaaday uga quusan la’dahay show meeshu kastam lacag badani kasoo gasho ayay ahayd kkkkkkkk lkn may dhigtaan kantaroolka garoowe laga galo kkkkkkk puntland xaalkeedu waa muraara dillaac dhul iyo dad aanay waxba u tarayn marka laga reebo innagaa isku reera dushaa uun ka eegaysay ayay maanta Ku xiiqayaan kkkk goormaa laga ilbaxay innakaa isku reera lkn waa wadciga puntland yaalla intaan halkan Ku arkay doodooda puntlandba ma aaminsana ee waxay soo qaddimayaan reerkooda lkndee kuma khaldana sababtoo ah puntland waa hal reer that means majeerteen keliya marka waa sababta ay wax arrintaa dhaafsiisan afkooda usoo marayn kkkkkk.

    Mohamad
    February 12, 2018 at 10:59 am
    Reply

  2. Puntland xaqiiqada ha waajahdo amaano kugu raagtay yaddaa baad mooddaa, hana iimaansadaan dhulkooda ilaahay siiyay bootadiina haddaba iska dhamaatay siday uga samreen laaska oo hadda laga joogo xilligii ay gacantooda ka baxday 11 sano ayay uga samri doontaa dhulka somaliland.

    Mohamad
    February 12, 2018 at 11:06 am
    Reply

  3. Khaladka ha sarin cid aan lahayn, wadanku hal madaxweyne ayuu leeyahay wixii saxma iyo wixii khaldama labadaba Gaas baa leh, hadana isagaa diidan in talaabo la qaado, caadiska Beesha caalamka waxaa ka weyn kan dadka ku doortay ee ku aaminay

    Haliye
    February 12, 2018 at 1:01 pm
    Reply

  4. Gaas waxaa maalintii kowaad sheegay Faroole oo ah nin wareeray oo da’ ah laakiin runta sheega.
    Istus tus weeye dhaarta Gaas.
    Hada 2 weeks baad haysataa

    Haliye
    February 12, 2018 at 1:05 pm
    Reply

  5. WAR JIRABA CAKARU IMAN WALIGAX WAN MAQLIJIRAY RER RER KU DULA BALSE MA ARAG NIN NINKI ABIHI GUMAYSTAY DALIL KA DHIGANAYA

    MAXAMED
    February 12, 2018 at 11:55 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published.