WARBIXIN XASAASI AH: Loolanka Doorashada Madaxtinimada Puntland ee 2019-ka oo bilowday, Ragga ilaa hadda muujiyey Himiladooda & Marxaladda xiligan?

GAROOWE(P-TIMES)- Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa mudo xileedkeedu hadda gabaabsi ku sii dhaw yahay, waxaana u haray mudada ay sii haynayso xaafiisyada sida sharciga ah wax ka yar 11 bilood, taas oo ka dhigan in goor horeba ay bilaabatay musharaxiinta doonaya in ay qeyb ka noqdaan hardanka 2019-ka oo ka duwan kuwii horey uga dhacay deegaanada Puntland.

Rag badan oo siyaasiin ah, kana soo horjeeday hanaanka wax loo waday 4tii sano ee lasoo dhaafay waxay goor hore bilaabeen qorshahooda hogaaminta iyo doorashada nagu soo beegan, sidii ay guulo wanaagsan uga keeni lahaayeen.

Siyaasiintu waxay xooga saarayaan sidii ay ku kasban lahaayeen Xildhibaanada baarlamaanka Puntland oo hadda ku jira mashquulkii ugu faraha badnaa una baahan garab iyo gaashaan ay ku soo laabtaan.

Xildhibaanada hadda kuraasta haya ayaa qaarkood xusul-duubkii ugu adkaa ugu jira sidii ay markale u soo heli lahaayeen Saxiixa Odayaashooda dhaqanka, maadaama Puntland ay ku shaqeynayso nidaamka qabyaaladda oo ah waxa ragaadiyey dawladnimada iyo is aaminaada Shacabka Puntland.

Fasax ayay ku jiraan baarlamaanku hadda, waxayna xooga saarayaan sidii ay u soo laaban lahaayeen qaarkood ayaa ku jira loolankii ugu adkaa oo ay kusoo laaban karaan, laakiin caqabado waa weyn ayaa haysta oo ay ka mid tahay Odayaasha qaarkood oo aan jecleysan hanaanka siyaasadeed.

Lacago badan ayaa loo adeegsanayaa soo laabashada mudanayaasha iyo xataa kuwa cusub, waxaana iska cad in kala qaadashada Laaluushka imaanshaha Kuraasta golaha wakiiladu ay tahay mid aan meesha laga saari Karin, taas oo loo sameynayo in la helo saxiixa Odayaasha dhaqanka.

Ilaa hadda musharaxiin kooban ayaa is muujisay shaaciyeyna musharaxnimadooda, balse ragga aan la hadlin balse aadka loogu tuhunsan yahay in ay musharaxiin yihiin, waxaa aku jira xubno miisaan weyn ku leh hanaanka siyaasadeed ee gudaha Puntland.

Musharaxiinta la hadal hayo waqtigan in ay isku soo taagayaan jagadan waxaa kamid ah, Siciid Cabdullaahi Deni oo horey u soo noqday Xildhibaan iyo Wasiir heer Faderaal ah, Faarax Cali Shire oo soo noqday Wasiirka Maaliyada Puntland, Cali Xaaji Warsame oo soo noqday Wasiirka Waxbarashada ee Puntland, Cabdirisaaq Janogale oo ah nin aan horey siyaasadda looga aqoonin, Yuusuf Max’ed Jibriil oo qurbo jooga ah, Maxamuud Khaliif Xasan oo Ganacsade ah, Cali Cabdi Awaare oo horey u soo noqday Wasiirka Arrimaha gudaha ee Puntland iyo xubno kale.

Laakiin siyaasiinta ilaa hadda loogu hadal heyn badan yahay ayaa ah kuwa saameyn waqtigan ku leh gudaha deegaanada Puntland, qaarkood ayaa dhistay guddiyada Abaabulka iyo Ole-olaha doorashada, waxayna magaalooyinka waa weyn ka wadaan arrimaha musharaxiinta ay doonayaan.

Falanqeeyaasha Siyaasadeed ayaa ka welwelsan in cabsi laga qabi karro in Hogaamiyaasha dawlad gobaleedyadu ay isku dayaan kudarsi siyaasadeysan, kaas oo looga gol leeyahay qorshaha doorasho SIMAN oo ay garwadeen ka yihiin Madaxda dawlad Faderaalka Soomaaliya.

Xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa goor hore la kulmaysa qaar kamid ah dhaliilihii uu Madaxweyne Gaas kusoo galay loolanka doorashada xiligan oo kale sannadkii 2013-kii, waxaana hadda muuqanaya Saan-saanta ku wajahan musharaxnimada Madaxweyne Cabdiweli Gaas, inkastoo aysan cadeyn ilaa hadda mawqifkiisa.

Warsidaha Puntlandtimes wuxuu bilaabi doonaa dhawaan warar ku saabsan doorashooyinka Puntland, Faalooyin ku saabsan musharaxiinta ilaa hadda is sharaxay, Caqabadaha 20 sanno ka dib aan waxba laga qaban ee ka jira gudaha Puntland iyo aragtida ay rumeysan yihiin Shacabku.

12 Comments

  1. dalamr says:

    ASC taasi waa rayigaga in uu istaahilo Anigu waxan qaba iney jiran Rag badan oo kamudan

  2. Wiilwaal says:

    Anigu waxaan qabaa in dhallinyarada cusub ee imminka waxbarte talada loo dhiibo, odayaashaan miriray meesha laga leexiyo, new generation and new era.

  3. cirro says:

    kuligood waxay rabaan inay lacag urursadaan.

  4. Haliye says:

    Cali xaaji waa ninka ugu istaahila, hadalkiisa iyo ficilkiisu waa nin ay isleeyihiin.
    Mideeda kale waxaa haboon in nidaamka la fariisiyo intaan qof ladooran, waayo hadii uu yimaado qof liita oo wadanka siduu rabo kayeelo waa inuu jiraa maxkamad sare, xeer ilaaliye, gudoomiye barlamann, hantidhawr.
    Mid walbana shaqadiisa madax banaan yahay,
    Wax micna ah makeenayso hadii madaxweynaha uun la bedelo oo nidaamku sidiisii yahay.
    Waxay soo jeedin lahaa in Gaas uu shir guud qabto oo kii Pl lagu dhisay oo kale ah.

  5. Hadii cali xaaji uu tii hore ina adeer kuwareejiyey mid kalena wuxuu marinayaa meeshii hote ee kagudu oo faarax cali shire tijaabi maanta maxamuud saleebaan la aragye bal walaakii hala arko

  6. Waa xaqiiq waa in la raadiyaa dalka maqan ama laga tala baxaa oo dadka Ka soo keeda SSC laga saaraa oo dastuur cusub la sameeyaa dhulka inta Haryana amaankiisa la adkeeyaa waxaan Bakhtiga ahna laga qaada xukunka wadankii ceeb buu u soo kii day iyo in iidoor nagu wiirsadaan
    Inta aan Election Ka la gaarin waa in war Cad laga gaaray Xuduudaha

  7. Alli says:

    Kkkk,maxamuud salebaan xeero xukun jecel waxaan u maleen waqtigooda wuu dhamaaday waa hadii larabo maamulka Puntland inuu sii jiro anigu kama.soo jeedo Puntland laakiin xaqiiqdu waata.

    Cabdulahi yusuf waxuu qof xukun raadis lana oga yahay kumanan soomali ah inuu sabab u ahaa dhimashadooda waana daneyste.

    AUN Cade muuse waxba kalama ogeen.

    Faroole waa shaqsi madax adag, garna ma gasho garna kama baxdo.

    Gaas calooley waa NGO, wax walbana dantiisa ayaa ka horeysa.

    Gunaanad, waxaa la ogaaday in Puntland hogaamiye soo marin laakiin dadka deeganka degan ayaa ah dad nabad iyo dowladnimo jecel.

  8. abdallah hersi says:

    Asc dhammaan waad salaaman tihiin, waxaa cad dadka i soo sharaxay in uu ugu cadcad yahay Faarax Cali Shire oo mudadii shaqada hayey puntland si hufan uga soo baxay ilaaliyey sicir barar in dalku ka dhican aan daabicin wax lacag ah
    waa nin lagu aamini karo dadka iyo dalka ee ha la doorta iska daaya dadka aad tijaabinaysaan.
    wabilaahi towfiiq

  9. BUHODLE says:

    And puntland is a history?
    and nobody ask pl about what is going on?because nobody know even, if its exist?
    and everything happening in front of their eyes?

    what a emarrasing!

    nacala tulaa caleek.

    just you became majertenia,no more puntland.

  10. abdiweli says:

    uma maleeynayo in wakhti doorosho laysku maaweeliyo lagu jiro. nimankaan xukunka u ordaya kuma jiro hal ka mid ah oo ka hadlay colaadii ugu adkaayd ee puntland wajahdo ilaa iyo billowgii jiritaankeeda. taasu waxay
    ku tusaysaa in ay yihiin munaafiqiin xukun jacayl dardaray oo bari ka maalin meel cidla ah dhigaya puntland markay mooraduugaan. Bal shaqsi xukun doon ah oo colaadan qalifsan mowqiifkiisa muujinahayn maxuu bari tarin. Hadayba cadahay waxay bari noqon markay xukun qabtaan…

  11. gardafuel says:

    war xilka haloo dhiibo dbulbahante maxamuud saleebaamkaaam qurmay xil danbe yaan loodhiibin calo saleebaan ama leel kase haloo dhiibo rag luntland samata bizin kara waa kuwaase

  12. cunaaye says:

    war bahyaakhuub doormat barwaaqaad helaysaane butlaander alyaakhuubanaa boqortooyo asaluuto garabsare

Leave a Comment