WARKA DOORASHADA: Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ku mashquulsan qorshe cusub iyo Xogo banaanka u soo baxaya.

GAROOWE(P-TIMES)- Mudada xil-heynta xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa ku e’eg bisha October ee fooda nagu soo haysa, xiligaas oo si rasmi ah loo kala diri doono, waxaana xiligaas ka bilaaban doona raadinta Xildhibaanada cusub oo ay isku sharaxayaan dhinacyo kala duwan.

Mudanayaasha baarlamaanka Puntland ee hadda ayaa loolan adag ugu jira sidii ay u heli lahaayeen fursado ay mar kale kusii joogaan kuraasta baarlamaanka, oo ay ku matalaan beelahooda, qaarkood ayaa si adag uga soo horjeestay qorshayaal ku aadan nidaamka loo soo xulayo baarlamaanka cusub ee doorashada 2019-ka.

Puntlandtimes waxay ogaatay in uu jirro isku day ay wadaan Mudanayaasha baarlamaanka qaar kamid ah oo xooga saaraya sidii mudo kordhin loogu sameyn lahaa Hay’addaha dawladda, gaar ahaana Madaxtooyada iyo baarlamaanka, taas oo ay ku doonayaan sanad dheeraad ah.

Qorshahan ayaa ahaa mid kasoo bilowday shirkii Hogaamiyaasha Soomaalida ee magaalada Muqdisho, laakiin ma jirto cid ilaa hadda banaanka usoo saartay marka laga reebo qorshaha Doorasho SIMAN oo ay garwadeen ka yihiin wakiilada caalamiga ah.

Talaabooyinka ay gadaal ka riixayaan baarlamaanka Puntland xubno kamid ah ayaa la rumeysan yahay in ay qeyb ka yihiin Madaxda ugu sareysa Puntland qaarkood, oo mudo xileedkoodu ku e’eg yahay 2019-ka, horeyna u sheegay in ay xiligooda dhameysan doonaan oo aysan hami qabinin.

Puntlandtimes ayaa fahamsan in xiisadda Tukaraq ay qeyb ka tahay qorshaha Xukuumada iyo Baarlamaanka qaarkood ay wadaan oo ay ku doonayaan in dagaal la galo dhamaadka bisha March 2018, taas oo ka dhigan in dagaalkaas socon karro mudo bilo ah, sidaasna uu ku joogsado loolanka Madaxtinimada oo ay goor horeba bilaabeen siyaasiinta musharaxiinta ah qaarkood.

Saameyn ayuu yeelan karaa qorshe dagaal oo ay xiligan qaado Xukuumada Puntland, taas oo marmarsiiyo la rumeysan yahay in ay u noqon karto muddo kororsiga ay hadda wadaan mudanayaal katirsan baarlamaanka oo arrimahan soo xiganaya.

Mid kamid ah Xildhibaanada lagu tuhunsan yahay in ay gadaal ka riixayaan qorshahan cusub, ayaa sheegay in uu damacu jiri karro, balse go`aan ka gaaridu aysan aheyn wax ka imaanaya mudanayaal kooban ee ay tahay waxa ay is weydiinayaan golaha baarlamaanka, mase jirro ilaa hadda wax cad oo banaanka u soo baxay.

Xildhibaanada qorshahan cusub ka shaqeynaya, qaar kamid ah ayaa dhinaca kale wada dadaalo ay xooga ku saarayaan sidii ay Isimadooda uga dhaadhicin lahaayeen in ay markale u matalaan golaha Wakiilada ee Puntland, waxaana loolankaas uu gaaray heerkii ugu sareeyey.

Horrey madaxdii soo martay Puntland ayaa qaarkood mudo xileedkooda ku kordhiyey min hal sanno, taas oo ka dhigaysa in Dastuurka oo aan ilaa hadda lagu qorin mudo sanad ah ay suuragal tahay in qorshaha Doorashada SIMAN uu saameyn ku yeesho doorashada Puntland ee nagu soo beegan.

Doorashada Puntland ee sannadka 2019-ka ayaa leh xiiso gaar ah, waxaana tartamaya siyaasiin kala duwan oo qaarkood horey xilal uga soo qabtay Puntland, Heer Faderaal iyo xubno cusub oo tartankan qeyb ka ah, siyaasi kastana uu sheegayo in uu wax wanaagsan qaban doono.

PUNTLANDTIMES waxay todobaadkii hore baahisay macluumaad ku saabsan Siyaasiinta ilaa hadda la rumeysan yaahy in ay yihiin musharaxiin iyo heerarka masuuliyadda ay soo qabteen RIIX HALKAAN

Warsidaha Puntlandtimes wuxuu si taxane idin kugu soo gudbinayaa warar ku saabsan doorashooyinka Puntland, Faalooyin ku saabsan musharaxiinta ilaa hadda is sharaxay, Caqabadaha 20 sanno ka dib aan waxba laga qaban ee ka jira gudaha Puntland, Loolanka helitaanka xubin baarlamaan, Aragtida Dadweynaha iyo Musharaxiinta hanka siyaasadeed leh.

AKHRISTE: Haddii aad daneynayso Arrimahaas fikradaada nagula wadaag Emailkan farahabdulkadir710@gmail.com

 

 

 

4 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “WARKA DOORASHADA: Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo ku mashquulsan qorshe cusub iyo Xogo banaanka u soo baxaya.

  1. kkkk muddo kordhin baa loo samaynayaa isaga iyo baarlamaanka lkn nin 60 qof doorteen oo milyoneer ah maxaad ka fili kkkk sow iskama cadda cidii caqli leh way fahmaysaa lkn maangaab muxuu ka fahmayaa wuu iska xiiqayaayee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    Reply
  2. reer puntland waxay ku balameen doorosho ah hal qof hal cod inuu ka dhoco puntland. doorashada hal qof hal cod waa in ay asaaska dagmooyinka ka bilaamato oo mudanayaasha baarlamaAnka lagu soo doorto. markay taasu dhamaato kadib in ay bilaamato dorashada madaxweeynaha ayadoo lagu dooranayo hal qof hal hod oo ka hirgalaysa isla dagmooyinka. shaqsigii ku guulaysta dagmooyinka ug bada ayaa hantinaya hogaanka madaxtinimada puntlad. laakiin caqabada badan ayaa hortaagan suuragalka hal gof hal cod. kow…. damooyinkii oo la dhameeystirin. labo…..shicibku aqoonsi maleh inkastoo farsamooyin lagu xalin karo aqoonsilaa’aantu ay suuragal tahay.

    Arimaha colaadeed ee hada lagujiro ma surtagalinayso in wakhtiga yar oo haray la dhameeyo shaqada faraha bada oo lagudiyaargaroobayo doorashada. marka waa macquul hadii wakhtiga gadaal loo rido si shaqo wanaagsan loo qabto, oo dhamaan lagu qanacsanyahay.

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada