XOG RASMI AH: Dawladda Soomaaliya oo diiday heshiis ay IGAD gaari lahayd, oo muhiimad siin lahaa Shacabka Soomaaliyeed?

MUQDISHO(P-TIMES)- Dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa laxaqiijiyey in ay diiday heshiis muhiim u ahaa isku socodka dadweynaha ee wadamada ku bahoobay Urur gobaleedka IGAD, kaas oo muhiim u ahaan lahaa Soomaaliya.

Hogaanka Socdaalka & Jinsiyadaha ee dawladda Faderaalka Max’ed Jimcaale Koofi ayaa diiday heshiiskan, wuxuuna sheegay in ay aysan Soomaaliya xukumin dhulkeeda oo dhan, taasna aysan damaanad qaadi Karin.

Mr, Koofi ayaa ku dooday dood ay in badan is weydiinayaan Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo la og yahay dhibka ay qabaan shacabka ee kusaleysan qaadashada dal kugalka.

Goobjoogayaasha madasha oo ay ka mid ahaayeen Itoobiya & Kenya oo horey welwel uga qabay in la taageero heshiiskan, ayaa hadda u muuqda kuwa farxad wanaagsan ka helay.

Safaaradaha Kenya & Itoobiya ee kuyaala gudaha Soomaaliya ayaa safaf dhaadheer loo gala, sidaas oo kalena wey adag tahay in aad hesho DAL KUGALKA dalka Itoobiya, waxaana fursad wanaagsan u ahaan lahaa heshiiskan Shacabka Soomaaliyeed.

Majirto sabab kale oo ilaa hadda ay soo bandhigtay dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana laga sugayaa Xukuumada in ay bixiso tafaasiil ku saabsan ujeedada rasmiga ah ee heshiiskan loo diiday.

5 Comments

  1. Abdirisaq Farah says:

    Dawladda Somaliyeed waa ku mahadsantahay sida fiirada dheer oo ay uga hortimid goaanka dhaxal wareejinta dhulka hooyo ee ay dawlada iigad ka damacsanayeen in aan annaga toban milyan keliya ah ku dhex lunno boqol iyo labaatanka milyan ee Kenya iyo Ethiopia annagana aan halkaas ku weynno dhulkeenni istraatiijiga ahaa iyo khayraadkiisi caalamku intaas indhaha ku wada hayey. Yurub lama mid nihin waayo qof waliba waa tirsanyahay lambar buu leeyahay meel kasta waa lala socdaa. Lkin African yuu u tirsanyahay. Dambiilaha iyo jabhadki iyo balaayo ayaa is dhex boodaysa. Midda kale annaga awoodda goaan gaarista iyo xilalaka iigad maxaan ka nahay waa Zero. Markaa dhwr qof oo bad iyo barwaaqo isdul saaran iska kor fadhiya hallugu habsado maa yeelaynaa? Ganacsata iyo dhoofka iyo caafimaadka inta wadata waan u garaabayaa laakiin waxa kasoo socda ayaa ka weyn waxa aad doonaysaan.Anigu dadka dawladaha iska daba orda ma ahi lkn arrinkan wadnaha ayaan farta uga hayay. GUUL.
    Visaha halla fududeeyo on case by case bases.but not free movement.

  2. Mohamud ali says:

    Aad baan ugu farxay iney dowlada diido ethopia 100.ooo ooo lugu fasaxo dalka weeyba la wareegi lahaayeen

  3. cirro says:

    saxaafaddu meel hoose ayay wax ka fiiriyaan boqol malyan oo qof haddii nalagu fasaxo sow dhulkaba la wareegi maayaan. dowladdu waa ki Mahadsan yahay arrintaas.

  4. abdiweli says:

    dowlada federaalku way ku mahadsanyihiin sidaa fiirada dheer oo ay ay ku badbaadiyeen shicibkeeda.

    markii soomaali si kale lagu boobi waayey ayaa hada la rabaa in mawjado dad ah lagu harqiyo oo sidaa shicibka somaaliyeed oo tirada yar lagu barxo oo wadanka labo facan kadi lagala wareegou. dowlada soimaaliya waa in ay adkeeysaa socdaalka. soogalootiguna waa in ay sharci iyo visa ku soi galaan. daganaashaha iyo wadani nimadana waa in aan si sahlan loo bixin

  5. Abdi says:

    Wuu kusaxsan yahay in uu diido wayo waa runtiis
    Somaaliya ma kontrosho xuduudaxa dowladuna
    Wali ayadaa laliicaysa ladagaalanka al shabaab
    Kumadari karto ladagaalan danbiilayaal kusodhunta
    Wadanka iyo in lagga dhikto jid mukhadaraadka
    Lagu daabulo

Leave a Comment