XOG XASAASI AH+AKHRISO: Mid kamid ah Wasiiraddii ugu fir-fircoonaa ee Xukuumaddii Siilaanyo, kana soo jeeda SSC oo kagoosanaya & Xog ka soo baxday?

Filed under: W.Gudaha,Wararka Maanta,Warbixino |

HARGEYSA(P-TIMES)- Warar hoose oo uu Warsidaha Puntlandtimes ka helay xubno aad ugu dhaw wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) ayaa xaqiijinaya in uu hadda qorsheynayo in uu ka baxo maamulkaas, una wareego maamulka ay deriska yihiin ee Puntland oo uu horey uga mid ahaa siyaasiintii u tartantay xilalka ugu sareeya.

Wararku waxay sheegayaan in Mr, Xagla-toosiye ay si weyn isku hayeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, tan iyo markii la joojiyey baabuur uu lahaa oo ay qabteen ciidamada Somaliland, iyagoo ku sii jeeday deegaanka gobalka Sool.

Madaxtooyada Somaliland ayaa aamintay in Wasiirkii hore ee Caafimaadka uu gaadiidkaas u diray in ay tagan Buuhoodle, oo ay la goostaan maleeshiyadii saarneyd, taas oo ka dhigneyd arrin xasaasi ah.

Talaabadaas ayaa ka dhigan fal-kale oo Madaxtooyada Somaliland aad ugu adkaatay, waxaana saacadihii ugu dambeeyey socday dadaalo lagu doonayo in Wasiirkan hore lagu qanciyo xubinimada Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Siyaasigan da’ada yar oo dadka dhaliila kusifeeyaan nin aan sugin go’aamada siyaasiga ah ayaa shalay maleeshiyaad ka amar qaadan jiray, ay sheegeen in ay ka baxeen Somaliland, kuna biireen Puntland.

Laakiin taageerayaashiisa ayaa rumeysan in go’aanadii uu gaarayba ay ahaayeen kuwa wanaagsan, wuxuuna taageero ku leeyahay gobalka Cayn oo ay ka soo wada jeedaan Madaxweyne kuxigeenka Puntland ee hadda xilka haya Eng CabdiXakiim Cumar Camey.

Mr, Xaglo wuxuu horey u tartamay jagada Madaxweyne kuxigeenka Puntland, wuxuuna sugi waayay natiijadii doorashada, isagoo ka baxay hoolka xili ay wali socoto tiranta codadka, kumana uusan hakan gurigiisa oo xiligaas kuyaalay Garoowe, balse safar deg deg ah ayuu ugu baxay magaalada uu ka soo jeedo ee Buuhoodle.

Madaxweynihii Puntland ee xiligaas Cabdiraxmaan Faroole ayaa Saleebaan Ciise u magacaabay mid kamid ah wasaaraddihii ugu muhiimsanaa ee Xukuumadiisii ugu horeysay, balse Mr, Xaglo wuu diiday in uu qabto xilkaas, isagoo ka door-bidey fikrad cusub oo uu lahaa curinteeda.

Xogo hoose ayaa cadeynaya in Wasiirkii hore ee Caafimaadka Somaliland xooga saarayo in uu saameyn ku yeesho doorashada Puntland ee sannadka 2019-ka, oo uu u tartamo mid kamid ah xilalka ugu sareeya ee maamulka Puntland.

Majirro sharci qabanaya siyaasiinta gobalada Sool, Cayn iyo Sanaag oo ka joojinaya in ay labada maamul-ba xilal ka qabtaan, gaar ahaana marka laga hadlayo wasiiro horey uga tirsanaa Xukuumada Garoowe oo taga Hargeysa ka dib wasiiro noqda, haddana dib ugu soo laabta Garoowe.

Xariiro ay Puntlandtimes la sameysay wasiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) ayeysan suuragalin in uu ka jawaabo telfoonkiisa gacanta, waxaana uu xubin ka yahay Xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Siyaasigan wuxuu taageero wanaagsan ku leeyahay gobalka Cayn, isagoo horey uga hirgaliyey goob caafimaad oo ah midda ugu weyn ee ka dhisan magaalada Buuhoodle, wuxuuna horey u soo noqday madaxa ugu sareeya koox doonaysi in maamulada Puntland iyo Somaliland-ba ay ciidamadooda kala baxaan gobalada Sool & Cayn.

Laakiin qorshahaas ma gaarin guushii uu filayey XaglaToosiye, ugu dambeyna soo dadajisay in uu ku biiro Maamulka Somaliland, isagoo ka soo qabtay xilal kala duwan, wuxuuna si weyn u soo shaac-baxay markii uu dhacay Dagaalkii Kalshaale ee dhexmaray Somaliland & dadka deegaanka Buuhoodle.

Falanqeeyaasha siyaasadeed ayaa rumeysan in talaabadan ay tahay mid aan waxba kusoo kordhineyn xiisadaha ka aloosan gobalka, waxaana horey siddan oo kale u sameeyey Axmed Cabdi Xaabsade oo markii uu aaday dhinaca Somaliland, magaalada Laascaanood oo lagu loomayey ay hanatay Maamulka Hargeysa, haddana dib ugu noqday Garoowe.

Colaad hubeysan ayaa hadda ka taagan deegaano kamid ah gobalka Sool, ka dib markii ay Somaliland horaantii sannadkan la wareegtay magaalada Tukaraq, taas oo dhalisay dhiilo colaadeed, ilaa haddana aysan jirin xal laga gaaray, marka laga reebo dadaalada heer caalami ee socda oo ah kuwa aan wali natiijo laga gaarin.

Lama garan karro waxay kordhin karto haddii asiirkii hore ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) uu dib ugu laabto deegaanka uu ka soo jeedo ee Buuhoodle, raacana go’aanka ay qaateen ciidamadiisu oo ah in ay ku biireen Puntland, maadaama horey u soo mareen fursado siyaasadeed laakiin guuldarro ku dambeeyey.

Share on Facebook

Comments

comments

8 Responses to XOG XASAASI AH+AKHRISO: Mid kamid ah Wasiiraddii ugu fir-fircoonaa ee Xukuumaddii Siilaanyo, kana soo jeeda SSC oo kagoosanaya & Xog ka soo baxday?

  1. kkkkkkkkk u malayn maayo in xaglatoosiye tegayo puntland sababtoo ah hadda waa nin caan ah saamaynna leh, puntlandna umalayn Mayo inay xil u magacaabayso xaglatoosiye is sharaf tiri maayo waayo waxa la yidhi haddaad weyntahay wayd laysuma celiyo.

    Mohamad
    February 12, 2018 at 1:51 pm
    Reply

  2. Kuma haboona xaglo toosiye in jago loo magcaabo, ee waxuu ku haboonyahay in xabsi lagu Tuuro.

    Mohamed
    February 12, 2018 at 2:07 pm
    Reply

  3. lama gaarin xilli aan ka faalloono ee aan sugno yaan laga hordhicin.

    Anonymous
    February 12, 2018 at 2:12 pm
    Reply

  4. War la qoro waxaasi ma ahan.
    Waana ku degdegtay cidda warkaasi faafinaysa

    Haliye
    February 12, 2018 at 4:07 pm
    Reply

  5. War xasaasi ah: ciidamada somaliland ee Ku sugan buuhoodle oo beeniyay inay Ku biireen puntland kkkkkkkkkkkk puntlandtimes warkaa waanu idinka sugaynaa.

    Mohamad
    February 12, 2018 at 5:06 pm
    Reply

  6. Mise anaa soo dhiga guul Somaliland.

    Mohamad
    February 12, 2018 at 5:08 pm
    Reply

  7. Waxaaba jirta in Ciidan SSC ah oo ayagoo og in SNM ay dhulkooda qaadatey 17 sano kahor, sheeganaysana 28 sano, ku biireen SL inaysan ku haboon in ay ka soo baxaan, waayo SNM weli waa libaaxyadii ku qasbey in SSC kala daadato oo mid mid ugu soo kala fakadaan. hadda haddii ay tagaan mar kale ayey soo noqonayaa Sii Orod, Soo Orad, waxay u noqotey Calaamadda SSC. runtii rajona lagamaqabo in reerku dib isu abaabulo, PL lafahea ayey u yaaban tahay.

    warsame
    February 12, 2018 at 6:42 pm
    Reply

  8. madaxweyne ku xigeenka puntland Cabdixakiim Camey ayaa ku dexleh umada puntland sharaf weyn. xaglatosiye meeshuu joogo ha iimaansado.Reer puntland uma baahna Gabal Daye.

    abdiweli
    February 13, 2018 at 7:43 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published.