AKHRISO: Madaxweynihii hore ee DF Somalia oo si adag uga hadlay waxa ka socda Muqdisho, Talooyin adagna siiyey M/weyne Farmaajo..

MUQDISHO(P-TIMES)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo baryo badan u soo joogay Khilaafaadyo siyaasadeed iyo arrimo waa weyn oo halakeeyey dawladdiisa ayaa soo jeediyey in si deg deg ah wax looga qabto arrimaha ka socda caasumada ee dalka, isla markaasna looga baahan yahay in doorkooda ay muujiyeen Madaxda la doortay ee dalkan hogaaminaysa.

Qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook ayuu ugu baaqay Madaxda dalka in xalka laga doono dastuurka, loona tanaasulo danta Dalka.

Halkan hoose ka akhriso Baaqa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh:-

Dhawaanahaan waxaa soo ifbaxayay kala aragti duwanaan ka dhex jirta hay’adaha dowladda Soomaaliya.

Kala aragti duwanaashaha oo salka ku haayso Mooshin laga keenay guddoomiyaha golaha shacabka.

Ma aha markii ugu horreysay ee mooshin la hor keeno golaha ha ahaado mid laga keenay guddoomiye ama waaiirka kowaad ee xukuumadda.

Arrimaha mooshinnadii hore waxay leeyihiin laba cashar oo laga bartay. Kuwaas oo muhiim u ah inaan mar kale lagu dhicin qaladdaad horay loo soo maray. Labada cashar waxay kala yihiin:

1. Mar kasta oo xalka laga doono DASTUURKA KMG IYO SHURUUCDA / HABRAACYADA KALE EE HESHIISKA LAGU YAHAY,DHEXDOODA guul ayuu ku soo dhammaa jirtay kala duwanaanshahii jiray markaas, waxaana laga badbaadi jiray burbur dowladnimo.

2. Mar kasta oo la hareer maro Dastuurka iyo xeerarka kale ee jira, waxaa la dhaxli jiray NUSQAAN dowladnimo oo sababta in inta badan talada ka Baxdo gacanta Soomaalida.

Haddaba anoo ah oday Soomaaliyeed, horayna u soo qabtay hoggaanka dalka,laxa jeclo badanne ka hayso degganaantiisa waxaan soo jeedinayaa:

1. In la muujiyo dulqaad iyo tanaasul iyadoo loo tanasulayo danta dalka, wadaxaajoodna lagu dhammeyo aragti kala duwanaanshaha jira. Walina waa jirtaa fursaddaas ee yaaney luminin waa fursad qaali ah oo haddii ay na dhaafto ay adag tahay iney mar kale noo soo noqoto. BALAAYO GEESA LA QABTO AYEY LEEDAHAY EE SEYN LA QABTO MA LEH.

2. Haddi ay dhici weydo taas mana rajeynayo iney dhici weydo e, waxaa habboon in loo hoggaansamo dastuurka iyo shuruucda kale ee horay loogu heshiiyay iyada oo qilaaf aanuu taagneyn.

Waqtigaan oo kale waxaa habboon in QABKA QOFNIMO IYO KAN KOOXNIMOBA hoos loo dhigo si looga badbaado dhibato laga baaji karo.

Ugu dambeyntii madaxda dalka waxaan leeyahay yaan la dayacin mas’uuliyaddii loo dhaartay ee halla qaato xikmadda ah – RAG ISKA DHICIS IYO RABBI KA CABSI MEEL ISLAMA GALAAN.

Rag iska dhiciska ha la iska daayo ee rabbi ka cabsiga halla qaato, dalka iyo dowladnimadana halloo turo

2 Comments

  1. Lula says:

    CULUSOW XOW DOWLADDOW HAAYAY XAL UGU KEENI WAAYAY MARKOW KU RAGAADSHAY DALKII DIB U DHAC IYO MOOSHIN AAN DHAMAAN HEE QABYADIYOW RABAA INOW U SOO NOQDO MEESHANA WAXAA U JOOGAY DHALAANKIISII OO KALA SHAQAYNAAYAY INAYSAN TALAABO QAADIN DOWLADDA OW FARMAAJO MADAXWEYNE KA YAHAY ARROOY SHACABKI SOOMAALI IYO MUDANAYAASHI BAARLAMAANKA WAXAAS HORAY UGA TALAABSADEEN EE HAKU WAJARMIN CANAASIIRTA MEESHA KUU JOOGTANA WAXBA KEENIMA DOONAANE GUUL SOOMAALIYA WAQTI HORAAD NOOGA SOO DHUMISEE NOO DHUUMAN MEYSID ADOO MAHADSAN ISKA HADAAF WAXAANBA LA YAABEE KII HORAY U LUGOOYAY XOW MAANTA SOO DOONAY HEE SHIIKH SHARIIFNA WAA ARKAAYEE MARKAY TALADA DALKA HAAYEEN TOODAY WATEENE KUWAAN FARMAAJIYO KHAYRE MA SHISHEEYAA LAGU MAAMULAA MASE QABYO DHAMAYSTIRKEEDAY U SOO SOCDAAN HEE HASHA MEESHA LAGA HAAYO GARAN WAAYEE MA MASAARAY LIQDAY.

  2. Dr Truman says:

    Madaxweynihii hore ee Soomaaliya XaXasan Shiikh Maxamuud,inuu talo waano ka geysto Motion, ku saabsan waa arrin weji gabax ku ah waayo wuxuu ahaa ninkii ku caan baxay Motionno aysan ku jirin wax nadaam dowladeed ka turjumaya. Waayo tusaale Xasan Shiikh wuxuu Ra’iisulwasaarihii hore Cabdi weli Yuulka Motion kaga taqalusay markii Faarax Cabdulqaadir wasiir ahgood, lo bedelay wasaarad kale sidee loo bedeli karaa Saaxiibkey, ayey aheyd marka waa Ceeb weyn inuuba isku dayo ka hadal arrin motion ku saabsan waayo record xun baa ka yaalla Xasan Shiikh.

Leave a Comment