AKHRISO: Musharax Siciid Deni oo fariin u diray Isimadda, Waxgaradka & Dhalinyaradda Puntland.

DUBIA(P-TIMES)- Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo kamid ah ragga ugu cad-cad ee hadda isku sharaxay xilka Madaxweyne-nimada Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xaaladdaha ku saabsan mudo kororsi la sheegay in ay damacsan tahay Xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, gaar ahaana mudada joogitaanka xaafiisyada.

Musharaxa ayaa bogaadiyey hadalkii shalay ka soo baxay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed ee kusaabsanaa in aysan hadda udiyaarsaneyn awoodnana u lahey mudo kororsi, taas oo uu sheegay in ay tahay arrin wanaagsan.

Mr, Deni ayaa fariin u diray Isimadda, Waxgaradka Puntland wuxuuna sheegay in la joogo waqtigii ay taladu gacantooda ku laabatay, ayna waajib tahay in laga wada qeyb noqdo sidii ay u soo bixi lahaayeen Xildhibaano garanaya dantood.

”Waxaana xasuusinaya in marxalad adag ay Puntland ay marayso sidaas daraadeed ay dalka iyo dadkaba u turaan oo ay soo xulaan xubno masuuliyadaas buuxin kara iyagoo ilaalinaya midnimada beeshooda iyo baahida Puntland ay u qabto xubno mateli kara oo laysla wada ogol yahay si loo gaaro maamul Dowladeed oo hana qaada” ayuu yiri Musharax Siciid Cabdullaahi Deni.

Musharaxa ayaa sidaas oo kale ugu yeeray dhalinyaraddu in ay muujiyaan doorkooda, oo ay xooga saaraan sidii ay u heli lahaayeen matalaado Shacab, oo ay uga mid noqon lahaayeen golaha Wakiilada Puntland oo ah kuwa doorta Madaxda dawladda Puntland.

Fariinta Musharaxa ayaa ku soo beegantay xili si weyn u socdo loolanka siyaasadeed ee gudaha Puntland, waxaana ilaa hadda is sharaxay masuuliyiin kala duwan, kuwaas oo horey xilal uga soo qabtay Soomaaliya iyo Puntland.

Hal Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “AKHRISO: Musharax Siciid Deni oo fariin u diray Isimadda, Waxgaradka & Dhalinyaradda Puntland.

  1. wakhti colaad ay soo foodsaartay puntland ayaa calooshood ushaqaystayaashii ooda laga rogay. madaxweyne ayaan markayga noqon ayey ku washeen. Bal maxaad qaban hadii lagu doorto????? axdsan reer puntland ani idoorta. boqoolkiiba 10 reer puntland waan layn. somaliland dhulka ayaan la rogin…. xamarna xoog baan ku qabsan….argagixisana abahood ayey wasin

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada