AKHRISO: Turkiga & Imaaraatka Carabta oo dagaal dhanka Baraha Bulshada ka dhex bilowday iyo Xaaladda Soomaaliya oo ay isku hayaan

ANKARA(P-TIMES)- Si weyn ayey markale todobaadkan barta Bulshadu ku xariirto ee TWITTER-ku waxay bar goobeed dagaal u noqotay xubno sar sare oo katirsan wasaaraddaha arrimaha dibada ee Imaaraatka Carabta & Turkiga, kuwaas oo isku eedaynaya arrimaha madax banaanida iyo faragalimo siyaasaded oo ay isku sameeyeen.

Wasiir kuxigeenka arrimaha dibada ee dalka Imaaraatka Carabta oo ahaa shaqsiga bilaabay weerarkan ayaa ku eedeeyey Xukuumada Ankara in ay masuul ka tahay faragalin lagu hayo wadamada Carbeed, wuxuu shegay in aysan waxba Tixgalin ah ku heysan Turkiga, taas oo ay ku tusinayso sidda uu Madaxweyne Ordagan ula dhaqmayo madax banaanida wadamada Carbeed.

‘’ Xukuumada Ankara waxay nagu haysaa faragalin haddan nahay wadamada Carbeed, taas oo ah mid dhinacyo badan, waxaan codsanaynaa in la qadariyo madax banaanideen Carbeed’’ ayuu hadalkiisa ku daray wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha dibada ee Imaaraatka Carabta.

Imaaratku ma sheegin cidda Carabta ah ee lagu hayo faragalinta, laakiin falanqeeyaal kala duwan ayaa Imaaraatka si adag ugu cambaareeyey warkiisan, waxaana la gaarsiiyey heer la tuso faragalin iyo dhibaatooyinka ay ku hayaan SHacabka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Axmed Berat Conkor oo katirsan baarlamaanka Turkiga ayaa si adag ugu jawaabay Imaaraatka, wuxuuna u sheegay in tixgalin ay sameeyeen oo ay faraha kala baxaan wadamada dagaalada ka soo kabanaya, gaar ahaana Soomaaliya.

Mr, Conkar kuma ekaan oo kaliya intaas, wuxuu si adag ugu eedeeyey Abu Dhabi in ay tahay cidda dhibaatada ku ah danaha Ummadda Soomaaliyeed iyo in ay horey u socdaan, wuxuuna soo qaatay tusaalayaal kala duwan oo ay ku jiraan ciidamo daacad u ah Imaaraat oo laga qoray Soomaaliya haatana dagaalamaya.

Mudanahan baarlamaan hadalkiisa ayaa si weyn loogu qeybiyey barta TWITTERKa waxaana la gaarsiiyey heer sare, iyadoo ay shacabka dalkaas u arkayeen talaabo aad ugu faraxsan yihiin jawaabta ku dhacday dawladda Imaaraatka Carabta.

Labada dal ee Imaaraatka & Turkigu waxay isku hayaan Soomaaliya, Imaaraatku waxay doonayaan dawlad jilicsan oo dhankeeda u jan-jeerta, laakiin Turkigu wuxuu doonayaa Maalgashi dano mustaqbal oo dheer, laakiin ceebaha dul-hoganaya ayaa ah in uu xooga saaray oo kaliya magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.

One Comment

  1. Lula says:

    CARAB WAXAA IIGA FILAN XIMAAR ASWAD IYO LIIBIYA OO AAN XALAY OO DHAN ILMAYNAYAY SIDA AY DHALIN YARTEENII AY KU SAMAYSAY OO HADDANA AY SIDII XOOLIHII SEELADA LAGU IIBINAYAY AY KU IIBINAYSAY WAXAAN ORAN LAHAA CARAB WAX ISIMA IHIN OO XITAA ISLAANIMADII AYAY NAGU MAGAN GALIN WAYDAY OO DADKII AAN KU KALA FOGAYN DIINTA AYAA NA MARTI GALIYAY WAXNA NA TARAY HA IDAYSO CARAB XITAA MA ARAGTEEN DOWLAD CARBEED OO KA HADLAYSA DHIBAATA LAGU HAYO UBADKEENII KA CARARAY DALKOOD DHIBAATO NOLOLEED IYO DAGAALO AWGOOD JAAMICADDA LA SHEEGO WAA IN AAN KA BAXNAA WAAYO XITAA LAGUMA SOO QAADIN ARRINTA LIIBIYA KA SOCOTA OO LAGU HAYO UBADKEEN SOOMAALIYEEY SIDAAN TALO MAAHA UBADKEENA TAHRIIBAYA IYO KUWA SHABAAB LOO KAXAYNAYO WAA IN LAGA DAGAALAMAA OO SHAQO ABUUR LOO SAMEEYAA WAA IN WADDAN WARSHADO LOO SAMEEYO WAAYO WAXAAN MAQLAYAY SHIRKADO BEERAHEENII LA WAREEGAY KALUUNKEENII GURANAYA MAXAY TAHAY DANTA

Leave a Comment