ARAGTI AKHRISTE: Puntland nasiib ma u heli Doontaa Shaqsi daacad u ah Shacabka sidii Marxuum Cabdullaahi Yeey

AFEEF: PUNTLANDTIMES masuul kama ah Aragtidan, waxaana masuuliyadeeda leh Qoraaga ku saxiixan.

Puntland Nasiib Ma u Heli Doontaa Shaqsi Daacad u Ah Shacabka Sidii AUN Mr Yeey Ammayse Haysataa Ee Aanay U Jeedin

Waxaan Kun Bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh Adduunkaan Korkiisa Madax Waynayaasha soo maray qarniyadaan danbe kuma hayno hal madax wayne oo la dhintay isagoo dayn lagu leeyahay oo aan ka ahayn AUN Abdullaahi Yuusuf Axmed Yeey…. Ninkii taas moogna wuxuu baari karaa ballan qaadkii Mudane Shiikh Shariif uu ku ballan qaaday inuu bixin doonno daymaha lagu lahaa oo dhan…. Haddii dhacdadaasi tahay xaqiiq, waxaa kaaga iftiimaya daacadnimada uu u ahaa shacabka, waxaan kaloo qarsoonayn oo iyana xaqiiq ah in Madaxwaynayaashii ka danbeeyey maamul Goboleed ama DF ba inay gurya gateen oo ku raaxaysanayaan, dayn lagu leeyahay warkeedba daa…

Dhanka Puntland markii loo eego muxuu geed dhaxan badan u seexday in bulshadaas cadaadiskii lagu hayey ay ka baxaan… Dhanka Somaliya muxuu halis u galay sidii ay u suurta geli lahayd in mar uun Canalkii bluugga ahaa ka kor babado iyadoo aqalkaasi leeyhay haybaddii qaran… Inkastooy jiraan dad ku eedayn jiray inuu ka danbeeyey burburkii Somaliya, dadkaasi waxay door bbideen inay daar qrxoon oo firaashyo xariir ahi sariiraha ugu fidsanadaan, dadka kalana iyagoon waxba galabsan xabsiyada dixiri ku galo, baraagihii laga iyo guryihii laga burburiyo wadda kastana miino loogu aaso, eedayntooda waxaan ku qiyaasay haddaan raaxaysanayo ninkii rafaadaya maxaa iiga gidhiisha….
Rabbi waxaan uga baryayaa inuu JAnnada hooy ka siiyo Adduun raaxo badan kumuu arag.

Laga soo bilaabo awoowgeen Aadam, waxaa dhimanayey halyeey waxaa kaloo dhalanayey halyeey, caalamkuse wuxuu isku dhaafay baaritaanka ay u hawl galaan halyeeygaas ka dhintay kii u bedeli lahaa, nasiib xumu bulshada Puntland waxaan ku arkay u ruclaynta kan shilinka wata iyagoon hoos u eegayn intay qaataan toban jibbaarkeed inuu ka buuxsan doono jeebabkii uu uga soo baxshay san dareertada ay door bideen… Sidee bulshadaasi ku horu mari kartaa haddaanay halyeeygii ka dhinta baarayn kii u bedeli lahaa, soo yatiih ku jiri maayaan iyo inay hadba caayaan kay shalay sandareertada ka qaateen markuu ku noqdo Gafane.

Nin Abwaab ah oo lagu naanayso Gamadiid oo gabay ka tirayey abaal uu ka tirsanayey in loo galay ayaa waxaa ku jirtay gabaygiisa…. Meeluu Gugu Ku Da’ay Baan Arkoo Geedo Qariyeene… Aniguna Waxaan Arkay halyeey sawaxanka iyo buuqa duulka sandareertada baxshaa qariyeen… Sida dhaqanka Aadamaha lagu yaqaaan Halyeey waxaa soo iftiimsha Reerka uu ka dhashay oo usoo bandhiga bulshada reerkaasi kasoo jeedo… Halyeeygaas geedugu qariyeen maaha mid reerkuu ka dhaashay u jeedaan waxana ka gurdan raaceen sawaxan kaas sida xadka ka baxsan beel kasta u waalay.

Halyeeygaasi wuxuu ka dhashay Somaliya, Wuxuu ka siiyahay Beesha Daarood, Kasii yahay Kablalax, Kasii Yahay, Koombe, Kasii yahay Hantiile, Kasii Yahay Harti, Kasii yahay Majeerteen, ODayaal Markaan ka boodo Wuxuu Siiyahay Jibraahiil, Kasii yahay Ibraahim Jibraahiil, Kasiiyahay Maxamed Ibraahiim, Kasiiyahay Saleebaan Maxamed, Kasiiyahay Maxamuud Saleebaan, Kasiiyahay Cumar Maxamuud Kasiiyahay Isxaaq Cumar, Kasiiyahay Cabdulle Isaaq, Kasiiyahay Jibriil Abdulle, Kasiiyahay Cigalle Jibriil Kasiiyahay Shirwac Cigalle, Kasiiyahay Faarax Shirwac, Kasiiyahay Mahad Faarax, Kasiiyahay Maxamed Mahad, Kasiiyahay Cumar Maxamed… Haddaan Intaasi Iftiimin Waxaa Isna la Yiraahdaa Mr Yeey… Haddaanse Dhamaystiro Waxaa La Yiraahdaa Abdidaahir Maxamed Yuusuf Axmed Yeey.

Waxaase Nasiib Xuma ah iskaddaa bulshada Puntland ee inaan reerka uu kasoo jeedo aanay u jeedin oo ay dhex maquurayaan jaah wareerada ay reer sawaxan wax ku bilaabayaal shaacinayaan… Dhaqanka Somalida waxaa ka mid ah doorashada Isim inay soo shaac bixiyaan jifada uu kasoo jeedo, markaan soo bandhigaan ayaa bulshada kale ku raacdaa hadduu u qalmo… Haddayse bulshadaasi soo bandhigaan ruux aan u qalmin ku celin ka dib hadday keeni waayaan ruux u qalma waxaa jifadaas ku dhacda Isim Bedel oo Jifo Kale ayeey u wareegtaa … Toloow Jifadaas uu ka dhashay Indhaha Ma Furan Doonaan Waxaa Hubaal ah in Jifo Halyeey Soo Bandhigtaa Ka Gadmayo maaddaama Jifidaas kasoo jeedo Beelo Wanaagga ay ku arkaan ruux aan u ximin reerka uu kasoo jeedo.

Bulshada Puntland Waxaan Oran… Hadda ka hor ayaan waxaan dhowr habeen meel wada seexannay laba oday oo kala duwan kalana waqti wada seexad kayagu ahaa… Waxaa Midkaastaa igu yiri Kalmad aanan horay u aqoon oo ahayd… Abdi Daad Ma Dhiman ee Waa Dhuuntay… Iyagoo Ula Jeeday Inaan Aabahay dhaqan iyo siyaabaha kalaba la mid ahaa.

Haatan Bulshada Puntlandeey Abdullahi Yusuf AUN Ma Dhiman Ee Waa Dhuuntay… Bal Ila Eega Abdidaahir Maxamed Yusuf Axmed Yeey…. Dhankayga Waa Halyeey Geedo Qariyeen.

FG… Abuuraha akhristoow Aniga Iyo Adiga Ina Abuuray Baan Ku Dhaartee Inaan Shilin Ka Qaadan…

WaBillaahi Tawfiiq
Qore: Eng. Abdirashid Abdi Daad (Ciiltire)
Email: aadciiltire@gmail.com
Facebook: https://www.facebook.com/Guureey
Website: http://aadciiltire.wordpress.com/

4 Comments

  1. *alaha unaxaristo marxuum *c/alaahi yuusuf axmad *waxa uuu ahaa nin kartileh oo awood leh umalaymayo in puntlan uu soo mari dono madax wayne lamid c/laahi Yusuf*

  2. WIIL PUNTLAND says:

    WAA SIDUU NOO SHEEGEY NIN MADAX WEYNAHA KA AH PUNTLAND PRO CABDI WELI GABADHA QURUXDA BADAN EE PUNTLAND SADDEX ALKOOLIK BAA SOO MAREY KII AFARAAD BAANU SUGEEYNAA ILEYN GABADHAAS KAMA MAARANTO RAGAAS ISKU WADA MIDKA AH, INKASTOO UU FIKIRKEYGA KA DUWAN YAHAY MADAX WEYNAHA XUKUNKA KA DHAMAANEYA QOF WALBA OO MADAX WEYNE KASOO NOQDEY PUNTLAND WAX BUU QABTEY HA YARAADO AMA HA BADNAADO, OLOLAHA DOORSHADA QOF WALBA STYLE GOONI BUU LA YIMAADAA INKASTOO SHACABKA PUNTLAND AY YIHIIN DAD WANAAGSAN LAAKIIN MA LAHA GOOD LEADER MAANTA LAGA BILAABO WAA IN LA ISLA XISAABTAMAAN MADAX DOODA

  3. Ibrahim says:

    ANIGA WAXAAN QABAA PUNTLAND ASAASKEEDII HOREBA MA HELIN HOGAAN U DAACAD AH, CABDULLAHI YUSUF UJEEDADIISU WAXAY AHAYD INUU KA DHIGTO PUNTLAND JARAN JARADII UU KU FUULILAHAA HOGAANKA SOMALIA WAX KALE OO HADAF AH KAMA LAHAYN PUNTLAND LOOMANA DIYAARIN DASTUUR KU DHISAN ARAGTI DHEER IYO HIRAAL TOOSAN OO LA RAACO LAGUNA HAGO MUSTAQBALKA FOG.pUNTLAND WAXAA LOO DHISAY OO KALIYE IN LAGU BAADI DOONO DOWLAD SOMALIYEED LAKIIN LAMA SHEEGIN MARKA LA HELO DOWLAD SOOMAALIYEED WAXAY PUNTLAND NOQON DOONTO WAANA FASHILKA MAANTA JIRA. TUSAALE AHAAN SOMALILAND WAXAA ASAASAY RUUGCADAA SIYAASADEED UNA JEEXAY WADO TOOSAN OO CAD WAANA MIDA AY MAANTA KU BARAAREEN, BALSE PUNTLAND MA HELIN MR CIGAAL OO KALE EE C/LLAHI YUSUF WUXUU AHAA ASKARI ARAGTI DHOW MACANGAG KU AH XUKUN JACAYL IYO INUU DANTIISA KU GAARO OO UU MAR UUN NOQDO MADAXWAYNE SOMAALIYEED.AFARTII MADAXWAYNE EE PUNTLAND YEELATAY WAXAAN ORAN KARAA C/LLAHI YUSUF AYAA UGU LIITAY DANBINA KA GALAY SHACABKA PUNTLAND DAGAAL SOKEEYE GALIYAY XASUUQAYNA BOQOLAAL WIIL MARKII DANBANA CIIDANKII PUNTLAND IYO DHAQAALIHII XAMAR LA AADAY SIDAASNA AY PUNTLAND KU MACNO BEESHAY. WAXAAN AAMINSANAHAY GEN CADE IYO C/LLAHI INKASTOO LAGU EEDEEYO JILEEC XAGA AMNIGA AH HADANA AYAGA AYAA UGU DAACADSANAA MADAXDII PUNTLAND SOO MARTAY WAX LA TAABAN KARANA KA QABTAY. LAKIIN YEEY IYO FAROOLE TAARIIKH MADOW AY KA GALEEN PUNTLAND. SABABTA AAN FAROOLE U RAACIYAY WAXAY TAHAY HADALKII XUMAA EE TAARIIHKDA GALAY MARKII TUKARAQ LAGUSOO DUULAY IYO WEERERKII BAARLAMAANK PUNTLAND INTA WIILAL GEEYAY YIRI CIIDAAN LEEYAHAY 2005 TII HALKAASNA WIILAL KU DHINTEEN SABABTANA UU ASAGU LAHAA AYAA KU AH TAARIIHK MADOW IYO HABDHAQANKIISII XUMAA XILIGII UU MADAXWAYNAHA KA AHAA PUNTLAND. TAARIIKHDU WAA MID ISA SOO CELISA MANA DUUGOWDO.INSHALLAH SHACABKA PUNTLAND WAXAY HELI DOONAAN HOGAAMIYE AY ISTAAHILAAN.

  4. Ibrahim says:

    SORRY WAXAAN ULA JEEDAA GEN CADE IYO CABDI WALI

Leave a Comment