Ceyrintii DP WORLD oo dood adag ka dhex-dhalisay Aqalka Sare, kala aragti duwanaansho iyo Dood oo meel halis ah gashay

MUQDISHO(P-TIME) – Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa aad ugu kala aragti duwan arrimaha ceyrinta Shirkada DP WORLD oo ay maalmo kahor cod ku taageereen Mudanayaasha baarlamaanka Faderaalka ee Soomaaliya.

Xeerkii ay soo saareen baarlamaanka Faderaalka ayay hadda ka doodayaan Xildhibaanada Aqalka Sare oo leh awooda dib ugu celinta Aqalka Hoose, waxaana ilaa hadda aad loogu kala aragti duwan yaahy doodaha ku aadan shirkada.

Mudanayaal hadlay waxay taageereen in laga ceyriyo Soomaaliya, xubno kalena waxay diideen in dalka laga saaro, iyagoo soo jeediyey in arrimahan waqti loo siiyo Xukuumada Faderaalka oo hadda ku howlan.

Sidaas oo kale dooda ayaa waqti dheer qaadatay, waxaana ilaa hadda socda arrimaha doodahan oo ay suuragal tahay in cod la gasho oo lagu kala adkaado.

FAAHFAAHINTA KALA SOCO RIIX HALKAAN

3 Comments

  1. Abdulqadir Tallman says:

    Dabcan mudanayaasha Aqalka Sare caadifad kuma shaqeeyaan iyo seef-la-boodnimo. Waxay garanayaan in waxa la isku hayaa aysan aheyn deked qalad lagu kireeyay bal la isku khilaafsan yahay sida loo kala qeybsaday LAALUUSHKA.

    Farmaajo ayaan “ducadii” uu ka soo qaaday Imaaraadka,( labadii jeer uu tegey dalkaas tegey sannadkii la soo dhaafay), aan qeyb ka siim Kheyre oo isna xanaaqay oo tegey Imaaraadka isagoo careysan.

    Imaaraatkku waa ay ka sii jeensadeen Kheyre, bacdamaa ay laaluushkiisii hore uugu sii dhiibeen Farmaajo. Aw Armaajo ayaa “ducadii” keligii ku tegey. Khere sidaas buu ku qaday.

    Kheyre oo aan dheg la qabto laheyn ayaa Xamar ku soo laabtay.
    Isla markiiba wuxuu weeraray heshiiskii lala galay DP World.

    Golaha Shacabka oo aan xaalka hoos u fahminna, qaraar lagu degdegay bay soo saareen oo ay ku burrinayaan heshiiskii DP World.

    Aqalka Sare wuxuu garansiisan yahay in aan carada lagu raacin Raiisulwasaare Kheyre. WAA ODAYAAL RUUGCADDAA AH OO WAX BADAN ADDUUN SOO DHAQAY.

    “HADDII AAN WAAYAY QEYBTII AAN KU LAHAA XAQAL QALAM,
    HADDII AAN WAAYAY QEYBTII AAN KU LAHAA “DUCADII” IMAARAATKA,
    HADDII AAN WAAYAY QEYBTII AAN KU LAHAA LAALUUSHKII AY IMAARAATKU BIXIYEEN, OO UU I QADIYAY AW ARMAAJO, ANIGUNA WAXA OO DHAN IYO HESHIISKA DP WORLD AYAAN LAAD KU ARFACAYAA.

    SIYAASADDA ARRIMAHA DIBEDDA IYO AWOODDA XEER DEJINTA BARLAMAANKA (AQALKA SARE) LAGU MA SALEYN KARO DAGAAL KA DHEX QARXAY TUUGO KU DAGAALLAMEYSA QEYBSIGA LAALUUSHKII IMAARAATKA.

    Somalia Allaha u soo daahiriyo madax waddani ah oo hufan.

    Kuwan hadda joogaa waxay raadinayaan xoogaa kuus lacag ah oo ay la cararaan oo ay kula tuntaan Mareykanka (Farmaajo) amaba Norway (Kheyre).

    AQALKA SARE AYAA ARRINKA AAD U FAHMAY.

    WAA RA’YIGEYGA. ADNA KAAGA KA HADAL EE ANIGA HA IGU MASHQUULIN.

  2. Muniir says:

    Halkan hoose ka daawo: sida xildhibaan reer Somaliland ahi ubahdilay masaakiintii aqalka sare ee somalia ee ka doodayay arrinta dekedda berbera.https:youtu.be/iPXYpNFmeBs

  3. Muniir says:

    Halkan hoose ka daawo: sida xildhibaan reer Somaliland ahi ubahdilay masaakiintii aqalka sare ee somalia ee ka doodayay arrinta dekedda berbera.https://youtu.be/iPXYpNFmeBs

Leave a Comment