DAAWO: Shacabka Puntland, gaar ahaana Boosaaso sidii u arkaan Ceyrinta DP WORLD oo maamusha Dekedda magaaladaas?

BOOSAASO(P-TIMES)- Qaar kamid ah Shacabka Soomaaliyeed ee kunool magaalada Boosaaso ayaa ka hadlay aragtidooda ku aadan ceyrintii baarlamaanka Soomaaliya ay ku sameeyeen shirkada DP WORLD oo laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta, taas oo hadda maamusha dekeda Boosaaso.

Shacabkan oo la hadlay Tv-ga SBCTV ayaa muujiyey dareenkooda, waxaana qaar badan oo kamid ah ay soo dhaweeyeen talaabada baarlamaanka Faderaalku ay qaateen, iyagoo ku eedeeyey Imaaraatku in ay faa’iido ka raadinayaan dekedaha Soomaaliya.

Talaabadan ayay soo dhaweeyeen shacabku, waxayna muujiyeen sidda ay u doonayaan in ay arkaan dawladnimo Soomaaliyeed, iyadoo laga duulayo qorshaha maareynta hantida Ummaddan Soomaaliyeed.

Dawladda Puntland oo heshiiskan la saxiixatay shirkada P & O oo katirsan DP WORLD ayaan wali ka hadlin qaraarka ay gaareen baarlamaanka Faderaalka Soomaaliya, kas oo ay gabi ahaanba shirkadaha Shisheeye, gaar ahaana DP WORLD uga mamnuuceen in ay ka shaqeyso gudaha dalka.

HALKAN RIIX SI AAD U DAAWATO DAREENKA SHACABKA

Leave a Comment