DABAGALKA WARKA: Siyaasiinta SSC ee Kujira Maamulada S/LAND & PUNTLAND oo wareegii 2aad ee ku loolanka Gobalka Sool ku jira, Yaase guuleystay wareegii hore?

LAASCAANOOD(P-TIMES)- Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ay ciidamada Somaliland qabsadeen deegaanka Tukaraq oo fariisin u ahayd Xarumaha Puntland ee gobalka Sool, waxaa sii kordhayey hadalada iyo xifaaltanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Siyaasiinta ka soo jeeda gobalada Sool, Sanaag & Cayn ee xilalka kahaya maamulada Puntland iyo Somaliland, waxaana qolo kasta ay muujinaysay damaceeda ku aadan sidii meelmar uga dhigi lahayd in Sool si buuxda looga mid dhigo labada maamul midkood.

Garabka taageersan Somaliland oo ay wadajir u hogaaminayaan Prof, Cali Khaliif Galeyr iyo Baashe Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Somaliland ayaa xoogooda dhan iskugu geeyey sidii ay ugu qasbi lahaayeen Madaxweynaha maamulkaas in uusan marnaba ogolaan in uu ciidamadiisa si nabadgalyo ah uga saaro deegaanka Tukaraq ee ay gaareen horaantii sannadkan.

Baashe oo arrintan sharciyad uga dhigay kalfadhiga aan caadi aheyn oo ay yeesheen golaha wakiilada ee maamulkas, ayaa kusii daray in Cali Khaliif loo diro gobalka Sool, si uu taageero uga keeno beeshiisa, isla markaasna ciidamadoodu uga mid noqdaan kuwa Somaliland, lana dardargaliyo heshiiskii lagu saxiixay Caynaba.

Cali ayaa booqasho ku tagay Buuhoodle iyo Laascaanood, wuxuuna labada safarba daaranaa fulinta qorshaha Madaxtooyada Somaliland ee ah in saameyn hoose lagu yeesho jifooyinka beesha Dhulbahante, waxaana Cali Khaliif guul wanaagsan ka gaaray shir ka dhacay deegaanka XIDH-XIDH oo uu ka qeybgalay Garaadka guud ee Beesha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali oo lagu taageeray wada hadalka uu Cali kula jiro maamulka Somaliland.

Dharbaaxo siyaasadeed oo xoog badan ayay tani ku ahayd siyaasiinta gobaladaas ka soo jeeda ee kujira Puntland, iyagoo ilaa xiligas aan qaadan waxba talaabo ah oo ay xataa ku tageen si la og yahay deegaanada ay ka soo jeedaan ee gobalka Sool, marka laga reebo Xildhibaano tagay gobalka Cayn, gaar ahaana agagaarka magaalada Buuhoodle.

Laakiin xubnaha kusugan Puntland ayaan sameyn wax dhaqdhaqaaq ah oo la mid ah, midka ugu yaraan ay sameeyeen wasiiradda, kuwa baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka Somaliland ee ay ku tageen Tukaraq oo ay iskaga soo qaadaan kuna muujiyeen dhoolatus ciidan, taas bedelkeedana aysan wasiiradda, Xildhibaanada iyo madax kale ee gobalkaas ka soo jeeda dadka deegaanka ugu tagin si la og yahay oo dawladeed.

Inta badan Wasiiradda iyo Xildhibaanada beeshan ee kasoo jeeda gobalka Sool ayaa lagu eedaynayaa in ay si buuxda ilaa hadda uga qeyb noqon qorshaha dib u xoreynta gobalkaas, oo aysan booqan xataa goobaha ay joogaan ciidamada Difaaca ee Puntland.

Falanqeeyaasha siyaasadda ayaa rumeysan in siyaasiinta ka soo jeeda gobalkaas ee kusugan Puntland aysan waxba horumar ah sameynin 3-dii bilood ee ay Somaliland haysatay Tukaraq, waxaana loo arkay in ay tahay arrin kale oo looga dheereeyey xataa in ay gudaha deegaanadooda saameyn wanaagsan ku yeeshaan, taas oo hubanti ka dhigaysa in siyaasadda lagu kala adkaay.

Wasiiradda, Madaxda Sare iyo Xildhibaanada beesha gobalka Sool ee kusugan Puntland ayaa ku mashquulsan loolan siyaasaded iyo raadinta kuraastooda oo muddo xileedku hadda uga dhiman yahay wax ka yar 9 bilood, iyagoo markale doonaya in ay matalaan shacabka gobalka Sool oo badankiisa ay maanta gacanta ku heyso Somaliland.

Hardanka doorasho ee ay kumashquulsan yihiin xubnahan ka sokow, waxaan ilaa hadda si cad loo fahamsaneyn siyaasadda ka dhalan karta raadinta kuraastooda, xili aysan heysan deegaanadii ay matalaad rasmi ah uga ahaan lahaayeen Hay’adda dawliga ah.

Mar kale ayay todobaadkan cirka isku shareertay xiisadda Tukaraq, waxaana muuqata saaan-saan colaadeed oo ay labada dhinacba muujiyeen, gaar ahaana Somaliland oo hadda cabsi ka qabtay weerar uga yimaada dhinaca Puntland ayaa laga soo wariyey in ay ciidamadeedu diyaar u yihiin in ay qaadaan talaabo kasta, taas oo ay ku doonayaan in ay uga baxaan culeyska weyn ee kasaaran difaacan waqtiga ku qaatay.

Madaxweyne kuxigeenka Puntland Eng CabdiXakiim Camay oo ka soo jeeda gobalada lagu muransan yahay, uguna sareeya xubnaha Puntland kusugan ee kasoo jeeda gobaladan ayaa la sheegay in uu marar badan cadeeyey in uusan ku qanacsaneyn is dhawrashada ciidamada labada maamul, balse xog kale ayaa sheegaysa in uusan laftirkiisu ka marneyn loolanka iyo ole-olaha siyaasadeed ee ay ku jiraan saaxiibadiisa kale.———-

16 Fikrad Ayaa Laga Bixiyay Warkaan “DABAGALKA WARKA: Siyaasiinta SSC ee Kujira Maamulada S/LAND & PUNTLAND oo wareegii 2aad ee ku loolanka Gobalka Sool ku jira, Yaase guuleystay wareegii hore?

  1. Laakiin wax kasta amarka ugu danbeeya waxaa leh madaxweyne Gaas, qolyaha Sl taageero buuxda ayay ka helaan Sl, halka Pl ayaan waxba ufidin, qoraalkaana waa mid eedii Gaas la saarayo cid kale, tusaale ninka barlamaanka ahi ma taliye ciidan baa, dhaqaalihiina waxaa xanibay Gaas. Excuss daaya waa lakala adkaan jiray.

    Reply
  2. HALKAA WAXA KA MUUQDA FASHILKA MAAMULKA PUNTLAND.MAXAY SAMAYN KARAAN ODAY DHAQAMEED AAN TAAGEERO KA HAYSAN DHULKOODII IYO DADKOODII OO SHACABKOODII KA IL BAXEEN BEENTA IYO LUGOOYADA PUNTLAND IYO AF QALLALAN IYO INNAGAA ISKU REERA.MARKA PUNTLAND IYADAA DHULKAN SHEEGANAYSAY HADDANA KA QUUSATAY EE CIIRO WAXBA HAYSKU QARININA MAJEERTEENOW EE MUWAADINIINTAYADA NOOSOO DIRA INTAANANU XADKA XIDHIN.

    Reply
  3. DHULKANI WAA SOMALILAND OO PUNTLAND XAQIIQADII OO QADHAADH BAA HOR TIMI AHNA IN DHUL MAJEERTEEN LAGU MURMO IYO INAY GACMAA TAAGAAN OO FARAA KALA BAXAAN DHULLA SOMALILAND IYO XUDUUDIHIISA LAMA TAABTAANKA AH.

    Reply
  4. WAR DEG-DEG AH: SARKAAL KA TIRSANAA CIIDANKA PUNTLAND IYO CIIDANKIISII OO KA GOOSTAY PUNTLAND ISUNA DHIIBAY SOMALILAND KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKLKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK.SOO HAABO ARIBOOWE PUDHLAYN LAGU KALA TEG.WAA WARKII WAX GARAD IDIIN TAABTAY SHALAY WAA NIN WAX BADAN OG ALLAYLEHE. GUUL SOMALILAND.

    Reply
  5. SOWKUWAA OODA SOO JABSADAU MIDHADHKII AAD KHALDAYSEEN KANA QUUSTAY PUNTLAND MARKAY MUSHAHAR LA’AAN UGU BAKHTIYI GAADHEEN.OO LKN KUWII REERKA MAAMULKA LEH EE MJ BAA WAXBA LOO WAAYEE MA RAGGAN REER SL BAA WAX LOO HAYAA!!!. CAJIIB MARBA MARKA KA DAMBAYSA AYAY XAQIIQADU HORTOODA IMANAYSAA.

    Reply
  6. OO IDINKUBA SALAADIINTIINU SOW BURCA JOOGA DAWLADA MUUSE SOW MA AYANAN ORAN HALA SOO XIR XIRO LAANDHEERAYAASHA HABARYOONIS MAXAY IDINKU JAWAABEEN YAA U TAGI KARA DALKAAN SOOMAALILAND WAXAA LA KALA AHAA XINIIYO IYO KUWA DABA TAAGAN SHOW KUWA DABA TAAGAN WAA JEEGAANTA QASHIN FOOQAL QASHIN WAXA ISKUGU MAAH MAAHEEN ILEYN IIDOORKU WAA MA XISHOODE KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Reply
  7. OO IDINKUBA SALAADIINTIINU SOW BURCA JOOGA DAWLADA MUUSE SOW MA AYANAN ORAN HALA SOO XIR XIRO LAANDHEERAYAASHA HABARYOONIS MAXAY IDINKU JAWAABEEN YAA U TAGI KARA DALKAAN SOOMAALILAND WAXAA LA KALA AHAA XINIIYO IYO KUWA DABA YAALA SHOW KUWA DABA YAALA WAA JEEGAANTA QASHIN FOOQAL QASHIN WAXA ISKUGU MAAH MAAHEEN ILEYN IIDOORKU WAA MA XISHOODE KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Reply
  8. kkkk waan u bogay falaqaynta dhabta ah ee puntlandtimes farta ku fiiqday… gaabis dhan kasta galaaftay ayaa dhanka puntland ka jira. puntland waxay u baahantahay halyeeyo hogaansha waana in shaqsi kasta oo jaga kasta isu sharaxaya lagala xisaabtamo doorkuu ka cayaaray difaaca dhulka barakaysan ee puntland xaataa hadii uu u tartamayo gudoomiye tuulo iskaba daye jago xileed ka sareeya.

    dameeradaan madaxa soo taaga markay maqlaan doorasho waa in ay umada puntland mar dambe marin habaabin oo jab iyo bah dil dambe u horseedin.

    Reply
  9. ARYAA ISAAQ JAADKIISA HA CUNO XOW GOOYN KARAA ISAGAABA JEEGAAN IYO GARXAJIS ISKU HEEYSTEE NABEE KOONFURI HASOO HISHIIDO MINAAN AF JAADKA KU CUNEEYSID LAGAA JABIN, ARYAA WAABA KIBIREE DAY KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Reply
  10. IIDOOR MARDUUF QAAD HELEY WAA MAQNUUD FALANEE MARKAAN MAQLEY WAXAA IGU SOO DHACAY BLUE MAN KII YIRI HARGEYSA OO IDIL BAA I KUFSATEY GURI BA’AY KKKKKKKKKKKKKKKK WAR SHOW MAQAANIIDA WAQOOYI BAA KOOBKA U QAADEY DUF KU BAXA IIDOOR KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK

    Reply
  11. WALLEE REER TOLKEY MAJEERTEEN SIDA IIDOOR LOOGU CAYAARO WAA YAQAANAAN WAA NIMAN BOQORTOOYO AH ILBAX A REER MAGAAL AH SOOMAALI HADEYSAN MAJEERTEEN KU JIRIN WAXBA YAHEE BEY AHAAN LAHAAYEEN WAA MADAXTOOYADII HAWIYE ISKU DIIDEY YAA FARIISTEY, ICTIRAAFKA IIDOOR YAA HOR ISTAAGAN WAR WAA RAG RAG DHALEY WAXAAN U SHEEGAYAA SSC ISU TAGOO REER TOLKIIN LA XAAJOODA ILEYN WEYNU ARAGNEY IIDOOR IN UU GARXAJIS IYO JEEGAAN U KALA SAFTEYE CAYAARI MATAAL MAXAA U YAAL QOLOOYINKAAN DARAFAHA DAGA ALLAA U MAQAN HADAAD DOONEYSAAN ISKA DABA FARIISTA JEEGAAN MAANTEY NOOGU DHAW DAHAY HEERYADA INAAN ISKA QAADNO EE AAN HOOS TAGNO DAWLADA PUNTLAND IYADAA NIDAAM IYO KALA DANBEYN KA JIRTAA INTAA WAA IGA TALO DADKA KU ABTIRSADA SOOL SANAAG IYO CEYN, WAR MA SADDEX REER OO KALA XISBI AH MIYAAN U DABA FARIISANAA OO MARBA QOLO UGU SHUBNAA MAR NALAGU SHUBTAA, IIDOORKAAN BUURAHA SAARNAAN JIREY OO NAGULA XIDIDEY INEY BUURAHA KASOO DAGAAN HABLAHOODA WAAR WAA KUWII MAANTA AAN HOOS FADHINAA WAKE UP SSC WAA IGA TALO

    Reply

Halkaan Ku Qor Fikirkaada