DEG DEG: Aqalka Sare ee Soomaaliya oo aad uga doodaya qaraarka Ceyrinta DP WORLD iyo Xariirka Imaaraatka Carabta

MUQDISHO(P-TIMES)- Golaha Aqalka Senatka ee Soomaaliya ayaa maanta dood xasaasi ah ka yeelanaya qaraarkii ay shalay gaareen baarlamaanka Faderaalka, kaas oo lagu amrayay in DP WORLD laga ceyriyo guud ahaan dalkaas, waxaana dooda lafilayaa in ay noqoto mid xiiso leh.

Wariyaasha ayaa loo diiday ka qeybgalka fadhiga dooda ah oo furmaya barqanimada maanta, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in xildhibaanada qaarkood laga yaabo in ay diidmo adag muujiyaan.

Guddoonka golahan ayaa isku aragti ka aaminsan xaaladda DP WORLD ee gudaha Soomaaliya, waxaana loo arkaa khatar kusoo fool leh gudaha dalka oo ay tahay in si wadajir ah looga hortago.

Sidaas oo kale golaha Aqalka Sare ayaa lafilayaa in ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku wargaliyaan dadajinta saxiixida Qaraarkan oo markas la bilaabo in shirkada ay ka baxdo magaalooyinka Soomaaliyeed ee ay kusugan tahay.

Shalay baarlamaanka Faderaalku wuxuu go’aamiyey qaraar dhigaya in gabi ahaanba dalka Soomaaliyeed laga saaro shirkadan laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee DP WORLD, isla markaasna looga joojinayo wiixi ay heshiis ka hayeen dekedaha dalka.

Halkaan Ku Qor Fikirkaada