DEG DEG: M/weynaha Somaliland oo u dhoofay Imaaraatka Carabta

HARGEYSA(P-TIMES)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka dhoofay madaarka magaalada Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda magaalada Dubia ee dalka Iskugu taga Imaaraatka Carabta, markii ay cirka isku shareertay arrimaha la xariira mashaariicda Imaaraatku ay ka fulinayaan magaalada Berbera ee Somaliland.

Warsidaha Puntlandtimes.com wuxuu ogaaday in ay diyaarad deg deg ah Imaaraatku soo direen Madaxweynaha Somaliland, si loogala hadlo arrimaha taagan oo ay ugu horeyso qaraarka ay gaartay dawladda Faderaalka Soomaaliya.

Sarkaal sare oo katirsan Madaxtooyada Somaliland ayaa u sheegay Puntlandtimes in casumaadan ay qeyb ka tahay dadaalada iyo xariirka u dhaxeeya maamulkaas iyo dawladda Imaaraatka Carabta, si gaar ahna looga wada hadli doono sidii horey loogu socodsiin lahaa mashaariicda labada dhinac.

DP WORLD ayaa gacanta ku haysa dekeda magaalada Berbera, taas oo ay shalay ceyriyeen mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo cod aqlabiyad ah ku qaatay go`aankaas, waxaana muuqata xasarad adag oo ka bilaabanaysa mandiqada.

Lama garanayo waxa oo bixi doona Safarkan, waxaana la rumeysan yahay in aysan Imaaraatku u joojin doonin talaabada ka soo yeertay dawladda Faderaalka Soomaaliya, oo ay DP WORLD shaqadeeda ka wadan doonto dekedaha dalkaas ee ay gacanta ku hayso, gaar ahaana Boosaaso & Berbera.

Warar hoose oo ay heshay Puntlandtimes.com waxay sheegayaan in ay Imaaraatku qaateen go `aan kale oo ay kula dagaalamayaan dawladda Faderaalka Soomaaliya, gaar ahaana ay taageero uga raadinayaan dawlad gobaleedyada katirsan, oo ay hadda ka wado mashaariic ciidan & Maalgashi.